Daawo Sawirada:Ra’iisul Wasaaraha Oo Kulan Afur Iyo Xog-Wareysi Ah La Yeeshay Bahda Warbaahinta.

0

IMG_5361Muqdisho (AGGM): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa caawa ku casuumay bahda warbaahinta kulan afur iyo xog-wareysi ah kaasoo qaatay muddo saddex saacadood ah.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo qeybaha kala duwan ee warbaahinta gudaha iyo dibadda, sida madaxda Telefishinada, Idaacaddaha, iyo Wakaaladdaha ayaa ahaa mid uu dalbaday Ra’iisul Wasaare Saacid si uu si fool ka fool ah u wareysto madaxda iyo wareyeyaasha warbaahinta.

Kulankan ayaa waxaa ku wehliyay Ra’iisul Wasaaraha Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xersi, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta C/shakuur Cali Mire, Afhayeenka Xukuumada Ridwaan Xaaji C/weli iyo howlwadeenada kale ee warfaafinta Xafiiska.

Afurka kadib, ayaa waxaa kulanka furay afhayeenka Xukuumada Ridwaan oo sheegay in kulankani uu Ra’iisul Wasaaruhu uga gol leeyahay sidii si daah furan oo kaftan, sheeko iyo talo soo jeedinba ay ku jirto loo wada hadlo, isaga oo sidoo kale ka codsaday in wixii talo iyo tusaale ah haddii ay ahaan laheyd dhaliil ama ammaan ay si toos ah u soo bandhigaan.

Xubnihii warbaahinta ee goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa Abwaan Cismaan C/llaahi Guure oo ah Agaasimaha idaacadda Kulmiye ee Muqdisho kaasoo halkaasi ka soo jeediyay hadalo isugu jiray talo, Gabay, iyo xog waranba. Taasoo aad loogu riyaaqay.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Ciilmooge ayaa isna si guud u dul maray aragtida warbaahinta ee Sharciga Saxaafada, wuxuuna iftiimiyay in qaar ka mid ah qodobada sharcigan saxaafada laga been abuuray isla markaana loo dhigay si aanu u qorneyn, wuxuuna ka hor sheegay kulanka in uu diyaar u yahay inuu dhegeysto talada iyo cabashada warbaahinta isla markaana lagu darayo soo jeedintooda Sharcigan.

Gabagabadii, Ra’iisul Wasaare Saacid oo la hadlay bahda warbaahinta ayaa u balan qaaday in mar kasta ay ku dadaaleyso xukuumadu xorriyadda warfaafinta, iyo difaaca xorriyatul qowlka, wuxuuna meesha saaray cadaadis la saarayo, isaga oo u xaqiijiyay in wixii talo iyo tusaale ahba ay diyaar u yihiin in lagu kordhiyo sharcigan saxaafada, si loo helo sharci damaanad qaadi kara xaquuqda wariyaha iyo dhamaamba howlwadeenada warbaahinta xorta ah.

“Waxaan idin kula talinayaa in danihiina aad ka hor marisaan, danaha dalka iyo dadka, waxaadna ogaataan in dalka Soomaaliya uu u baahan yahay dhalinyaro dhanka saxda wax ka aragta, taladooda iyo awoodoodana isugu geeya sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo nabad ku soo dabaalida dalka” ayuu yiri ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Saacid.

IMG_5361 IMG_5352 IMG_5350 IMG_5343 IMG_5338 IMG_5312 IMG_5298 IMG_5247 IMG_5237 IMG_5235 IMG_5228 IMG_5225 IMG_5221 IMG_5217 IMG_5213 IMG_5197 IMG_5196 IMG_5192 IMG_5186 IMG_5183 IMG_5161 IMG_5156 IMG_5151

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mogadishu, Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com