Alshabaab Oo Gacanta Ku Dhigey Gaari Raaskambooni Leedahay Dishayna 4 Askari

0

Afmadow1-620x330Kismaayo(AGGM) Kooxda Alshabaab ayaa la sheegay inay weerar culus ka fuliyeen duleedka Degmada Afmadow ee gobolka Jubadda Hoose halkaasi oo la sheegay inay ku dileen 4 askari oo ka tirsanaa Jabhadda Raaskambooni,waxaana la sheegay inay qabsadeen gaari nooca Qooqan ah.

Gaarigan ayaa la sheegay inuu ka yimid dhinaca Degaanka Diif halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo kiiniyaati ah,waxaana la sheegay inay ciidamo ka tirsan Alshabaab jidak u galeen isla markaasnaa dileen dhamaan askartii gaarigaasi saarneyd,waxaana la sheegaya in dilkaasi maanta ka dhacay wadada isku xirta degaanka Shabaax iyo Afmadow.

Kooxda Alshabaab ayaa dagaal xoogan kula jirta ciidamada kiiniya iyo kooxaha ka soo horjeedo mabda’ooda,waxaana weerarkan qayb ka yahay weeraro isdaba joog ah oo ay ku qaadayeen maalmahan degaanada Jubadda hoose gaar ahaan meelaha ay ku sugan yihiin ciidamada kiiniya iyo kuwa Jabhadda Raaskambooni.

Sarkaal u hadlay Falaagada Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaasi ahaa mid qorsheysan isla markaasna ay ugu tallo galeen inay gaarigaasi gacanta ku dhigaan,waxaana uu sheegay inay dhamaan toogteen askartii gaarigaasi saarneyd oo uu tiradooda ku sheegey 4 askari.

Ugu dambeyntii ma jiraan wax wara oo ka soo baxay Jabhadda Raaskambooni ee ku sugan xeryaha ciidamada kiiniya ee duleedka Magaalada Afmadow halkaasi oo uu ka dhacay falkaasi,waxaana Alshabab sheegeen inay kordhinayaan weerarada ka dhanka ah Ciidamada kiiniya iyo kuwa Soomaalida ah ee la socda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com