Xukuumadda Soomaaliya:- “Qorshe ayaan wadnaa,kuwana Waan Hir Gelinay”

0

SaacidMuqdisho(AGGM) Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda dar-dargelinta qorshaheeda dib u kabashada Soomaaliya, iyadoo dhinaca kale la diyaariyey qorshaha xasilinta gobollada Soomaaliya oo dhan oo isugu jira amni iyo Dhaqaale.

Tan iyo markii Xukuumadda Federaalka ah ee Tobanka wasiir oo ay wehliyaan wasiir-dowlayaal iyo wasiir ku xigeenno 25, gaaraya la dhisay ayaa laga howl-galay dajinta hanaan ka badelan sida ay u shaqeyn jireen dowladihii kala duwnaa ee KMG-ka, maadaama dowladdani ay tahay middii ugu horeysay ee hesha aqoonsi caalami ah, hasa yeeshe,

Waa maxay faracyada uu dhalay qorshaha Xukuumadda Soomaaliya?

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa awoodda Xukuumadda isugu geeyey hirgelinta barnaamijka Xukuumadda, si looga faa’iideysto gobollada dalka ee ku jira gacanta dowladda, waxaana lagu billaabay socdaalkii Ra’iisul wasaaraha iyo Wasiirradiisa ay ku soo kala bixiyeen gobollada dalka intooda badan.

Gobollada Socdaalka lagu tegay ayaa lagu dhiiragaliyey, laguna taageeray xoojinta nidaam dowladeedka Soomaaliyada cusub, waxaana maamullada qaarkood laga badelay madaxdii maamuleysay, iyadoo loo sameeyey maamullo KMG ah oo muddo lix bilood shaqeyna.

Gobol walba Maamulkiisa waxaa la hor-dhigay afar Qodob oo waa weyn, kuwaas oo kala ah,
A–  Xoreynta deegaannada ay nabad diidku sugan yihiin haddii ay jiraan iyo xasilinta gobolka loo igmaday guddoomiye walba.

B-Hirgalinta iyo horumarinta adeegyada Bulshada deegaannada kala duwan ee gobolka.

C– Dib u heshiisiinta dadweynaha degan gobolka oo dhan, iyadoo laga amba qaadayo shirweyne shacabka loo qabanayo.

D– Ugu dambeyntii  gaarsiinta doorasho xor ah muddo lix bilood ah oo ay dadweynuhu yeeshaan gobolka

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Saacid ayaa xoogga saaray sidii loo middeyn lahaa ciidammada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca, taasi guulaha laga gaaray waxaa ka mid ah middeyntii ciidammada Xoogga iyo Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Gedo oo hadda isku ah ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, sidoo kale qorshaha arrintaasi la xiriirra weli waa mid ay dowladda ku howlan tahay.

Dhinaca kale qorsheyaasha weli socda waxaa ka  mid ah dib u habbeynta ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo hadda arrintooda ay mareyso halkii ugu wanaagsanaa, iyadoo lagu guuleystay ciidammadii ugu hooreeyey ee Milateri ah oo lagu Tababarro Xerada Al-Jazeera ee magaalada Muqdisho, si loogu diyaariyo qalabbeyn iyo howlgalka nabaddeynta Soomaaliya.

Xukuumaddu waxa ay gashay heshiinyo dhinaca ciidammada ah, waxaa ka mid ah heshii dowladdu ay la saxiixatay dowladda Turkiga, kaasi oo lagu tayeenayo ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya.

Waxaa Xoogga la saaray helista tasiilaadka ciidammada inta sannadkan ay dowladdu awooddo, sida Sahayda, Daawada iyo wixii soo raaca, in kastoo aan la gaarin meeshii loo baahnaa, laakin sida Xukuumaddu ay dajisay waxaa golaha wasiirrada ay ka fariisteen sidii loo Tayeen lahaa awoodda ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, Waxaa loo dajiyey qorshe u gaar ah.

Xukuumadda waxyaaba ay ku guuleysatay waxaa ka mid ah xiriirka dibedda, iyadoo dowladda Soomaaliya ay si buuxdo u aqoonsadeen Mareykanka iyo Midowga Yurub, waxaana sii xoogeystay xiriirka diblumaasiyadeed ee dowlaha adduunka iyo Soomaaliya, dhinaca kalena waxaa si joogta ah caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho looga furaa maalin walba Safaaradaha dowladaha waa weyn ee caalamka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku biirtay qorshaha loogu magac daray hiirgsiga cusub ee (New deal) kaas oo lagu dhiso waddamada uu burburka gaaray sida Soomaaliya, waxaana horey loogu soo dhisay dalal badan oo Afrika ku yaalla.

Barnaamijka hiigsashada cusub waxaa lagu meelmariyey shirkii dhacay dhamaadkii sannadkii 2011-kii lagu qabtay magaalada Busan ee dalka Koonfur Kuuriya. Waxana ujeedadu ahayd in wax laga bedelo hannaankii hore ee loo kaalmayn jiray dalalka nugul ee burburka ka soo baxaya, iyadoo markan si toos ah loo siinayo dhaqaale ay ku maareeyaan dhinacyada mudnaanta u kala leh ee ay ku soo kabanayaan.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo dhowaan saxiixday barnaamijkan ayaa diyaarinaysa qorshaha midaysan oo lala hortegayo shirka bisha September ka dhici doona magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Shirarka wadatashiga ee laga furay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale lagu qabanayaa magaalooyinka Baydhabo, Garowe iyo Hargeysa si bulshadu Soomaaliyeed ay fikradahooda ugu biiriyaan qorshayaasha Xukuumadda federaalka ee Soomaaliya.

Horraantii bishan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa ku dhawaaqay  qorshe loogu talagay xasilinta amniga caasimadda, gobollada dalka iyadoo uu barbar soconayo howlgal cusub oo la yiraahdo Shabeel, isla markaana ay si gaar ah u fulinta doonaan ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waddanka dowladihii ka soo shaqeeyey waqtigii burburka ma aysan lahayn sharci waadax ah oo lagu maamulo dalka oo dhan, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ka duuleysa arrintaasi ayey diyaarisay Hindise-sharciyaddeedyadii uu dalka ku shaqeyn lahaa, kaas oo dhammaantood Barlamaanka loo gudbiyey qeyb ka mid ahna ay ansixiyeen.

Hadda Waa Maxay howsha hor Taalla Xukuumadda Soomaaliya?

Haddii aan kala qaadno arrimaha, midda ugu muhiimsan dhaliillo badanna ay dowladda ku yeelatay waxaa ka mid ah arrinta amniga, inkastoo uu dadaal badani socda, haddana wax walba sidii loogu talagashay ma aysan gaarin.

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Shacabiga Soomaaliyeed waa waajib saaran in si deg deg ah ay u xoojiso xasilinta ammaanka waddanka, iyadoo laga faa’ideysanayo dhismaha ciidammada Qaranka hadda ku socda, muhiimadda koobaad, midda labaad iyo saddexaad ayey lagama maarmaan tahay ammaanka waddan dhan oo cagihiisa isku taaga.

Sidoo kale waxaa iyana muhiim ah wax ka qabashada amniga kaddib dowladda Soomaaliya waxa ay bilaabi kartaa haddii aysan hadda u suuragalinta heshiisiinta dadka Soomaaliyeed ee dal iyo dibedda ku nool , si ay uga dhabbeeyaan taageerada dowladda ay siiyaan iyaga oo ka dhigaya ficil dhammeystiran.

Waa Qeyb ka mid ah Qorshayasha ay Xukuumadda ku guuleysatay  iyo kuwa hadda ay ku howlantahay

DHAMMAAD.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com