Xal Maloo Heli Doonaa Damaca Iyo Shirqoolada “Madaxdii” Hore Ee Soomaaliya?

0

kabkuNinka Soomaaliga ah ee mar dhadhamiya Madaxtinimada oo Asalkeedu uu yahay in laga Taajiro laguna Cuno Xoolaha Shacabka gaajaysan, ayaa Go’aankiisu yahay inuu Geed dheer iyo Geed gaabanba u fuulo sidii uu mar uun ugu noqon lahaa Jagadii uu Xoolaha kusoo dhacay.

kabku

Waxaase hada ku cusub Shacabka Soomaaliyeed oo waliba ka yaabisay in Wadadaas ay raacayaan Rag aan wali Jagooyin ka qaban Soomaaliya laakiin u tartamay kuna Guul daraysay in la doorto, kuuwaasoo hada u muuqda inayba ka daran yihiin kuwii Jagooyinka soo qabtay. Soomaalidu waxay tiraahdaa “Dhargaa Waalan, dhadhanshaana ka daran”.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii laga soo Sheegay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar inuu yiri “Waxaan Jagada Madaxtinimada Soomaaliya ugu tartamayay inaan Madaxbanaani siiyo Somaliland”, Maalmo kadib ayay aheyd markii Shaashadaha uu kasoo muuqday Yusuf Garaad Axmed oo dhexda uga jira Axmed Madoobe iyo Ina-Cabdirashid oo mucaarad muuqda ku ah Dowladda Soomaaliya.

Waxaa Magaalada Nairobi lagu qabtay Shirweyne ay kasoo qeyb galeen dhamaan Mucaaradka Dowladda Soomaaliya oo uu markaan kusoo biiray C/raxman Baadiyow oo isna sida Labada Nin ee aan kor kusoo sheegay u tartamay Jagada Madaxtinimada Soomaaliya ee uu ku guulaystay Madaxweyne Xasan Sh. Maxamud.
kabku1

Raggaan kor ku xusan wali ma aysan qaban Jago Dowlad Soomaaliyed, waxayna hada ku Lug xirteen Rag Jagooyin kasoo qabtay Soomaaliya, oo waliba Taariikhdoodu ay Madow tahay, sida Cali Khaliif Galeyr, Cali Max’ed Geedi, Cumar C/rashid Cali Sharmake, Warlord Gaandi, C/wahaab Ugas, iyo Axmed Macalim Fiqi.

Nimankaan aan kor kusoo sheegay oo kaashanaya Laba Maamul-goboleed oo aan loo dhameyn oo Mucaaradka ku ah Dowladda Soomaaliya, waana Puntland iyo Jubbaland, ayaa waxay u muuqdaan kuwo go’aansaday inay Jilbaha Dhulka ugu dhuftaan Dowladda Soomaaliya ee Aqoonsiga Caalamiga ah heshay Maanta.

Waxay hada Doontooda soo saareen Rag looga soo guulaystay Doorashadii September 2012 oo uu kusoo baxay Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud. Waxaase nasiib daro ah in Mas’uuliyiintii Soomaaliyeed oo waliba badankood ay wataan Shahaadooyin Jaamcado ay Dantooda gaarka ah iyo Jeebkooda ka hormariyeen Danta guud ee Soomaalida u dhamaatay Gaajada iyo Colaadda. Waxayna garan waayeen haddiiba uu damac Labaad ku jiro inay sugtaan inta ay dhamaanayso Mudada Kooban ee Dowladda Cusub kadibna ay dib u tartamaan oo isku dayaan inay Jagooyinkoodii ay ku taajireen “dib usoo ceshtaan”.
kabku2
kabku3
Ugu dambeyn waxaan kula talin lahaa Dowladda iyo Baarlamaanka Soomaaliyeed inay xal u raadiyaan Cudurkaan Soomaali ragaadiyay oo ah in Madaxdii hore ay dib u gocdaan una raadiyaan Lacagihii badnaa oo ay ku qaadan jireen Jagooyinka ay Shacabka usoo qabteen.

Maray Noqotaba waa in Mushaaro iyo Gunooyin (Laaluush) aan go’in loo Qoro Madaxda Dalka xitaa haddii ay ka dagaan xilka, si looga Nabad galo Shirqoolada iyo Damaca aan dhamaan ee “Madaxdaas” ay Qabriga la galaan.

Daacad Wadanka

Source: KeydMedia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com