Kooxo Hubeysan Oo Toogasho Ku Diley Gudoomiye Ku-Xigeenkii Degmada Yaaqshiid

0

toogashoKismaayo(AGGM) Caawa waxaa gudaha Magaalada Muqdisho gaar ahaan Gurigeeda lagu toogtey Gudoomiye ku xigeenkii Degmada Yaaqshiid,waxaana la sheegayaa inay kooxda dilka fulisay ay gurigeeda ugu soo galeen isla markaasna ay rasaas si arxan darro ah ula dhaceen. Gudoomiye ku xigeenkan caawa la dilay ayaa ahayd gabar lagu magacaabi jirey Raxma Daahir Siyaad.

Dilka ayaa ka dhacay meel ku dhow hoygeeda oo ku yaala agagaarka masaajidka Shiikh Xasan-cadde oo ku yaala xaafada Jungal nawaaxiga isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshiid sida dad goob joogayaal ahi sheegeen.

Wararka qaarkood ayaa tibaaxaya in gacanta lagu soo dhiigey kooxdii dilkaasi fulisay inkastoo aan warkaasi la xaqiijin,waxaana la aaminsan yahay in kooxda Falaagada Alshabaab dilkaasi ay fuliyeen maadama ay wacad ku mareen inay xoojinayaan dagaaladda iyo weerarada ay kaga soo horjeeda dawlada federaalka ah iyo ciidamada Amisom.

Alle ha u naxariistee Raxma Daahir Siyaad ayaa ahayd gabar aad u firfircoon isla markaasna ku dadaasha sidii nabad iyo horumar ay ugu noolaan lahayeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan Degmada Yaaqshid,waxaana caawa dadka ku dhaqan degmada Yaaqshiid muujiyeen sida ay uga xun yihiin geerida ku timid Masuuliyadaasi.

Ugu dambeyntii dilkan ayaa qayb ka noqonaya falalka Argagixisnimo ee ka socda Qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya kuwaasi oo ay fuliyaan kooxda Alshabaab oo jecel inay dilaan cid kasta oo wanaag iyo waxtar la dooneysa shacabka Soomaaliyeed,waxaana dilkan imaanayaa xilli ay ku faaneen inay kordhinayaan dagaalada ay kula jiraan dawladda iyo tageerayaasheeda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com