Kiinyaa 100% Ka Faaiiday Burbukii Soomaaliya Ee Ma Aha In La Yiraahdo Soomaaliyey Wax U Tartay.

0

kenaWaxaa baryahaan ka socda Magaalada Nairobi shirar Qolyo Siyaasiyeen ah ay horboodayaan , siyaasiyiintaas oo iskugu jira Soomaali iyo Kiinyaan ,ayadoo qorshahoodu yahay inay Difaacaan Xasuuqo Ciidanka Keenya ka wadaan  Jubooyinka iyo Gumeysiga maldahan oo ay deegaanadaas ku hayaan ,dhanka kala ay eedeyaan Dawladda Soomaaliya oo ayada ka masuulka dadka iyo dalkaba markay ka dacwootay xasuuqa Kiinya wado .

Siyaasiyiintaas oo ay indha tirtay Xukun doon ,lacag doon iyo qabyaalad baa waxay ku andacoodaan waxaayaabo badan oo ay leeyihiin Kiinyaa soomaali u qabatay hadaan hal hal ugu Jawaabno qodobada ugu Muhiimsan  :

B-Qaxooti badan oo Soomaaliya baa xaryaha qaxootiga Ku jira  :

Waxaa isweydiin leh maxay qaxootigu ku qabaan kiinya ,waxay dajiisey Xeryo qaxooti waa dhul banana inta kale oo hawl ah waxaa qaxootiga u qabta Qaramada Midoobay iyo hayado caalami ah ,kiinyana hawlahaas waxaa kassoo gala dhaqaala xad`dhaaf ah oo dhan kastaa oo lagu qiyaaso balaayiin Doolar .

Dhnka kale waan ognahay oo daah nagama saarna Dhibaatooyinka ciidamada kiinya ku hayaan qaxootigaas hadey ahaan lahad Kufsi ,dhac ,xarig iyo dilba .

Waxaana dadkaas qaxootigaa meesha inay sii joogaan ka masuula Dawladda Kiinya iyo dawlada kale oo adeegsanaya dad Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin kuwa hadda Nayroobi ku shiraya ,ayagoo markasta ka shaqeeya sidii ay Soomaaliya aysan u dagin una yeelan dawlad xoogan ,sidaasna uu ugu socoto dhaqaalhaas laga helayo qaxootigaas.

Waxaa la isweydiin karnaa  maxay baryahaan kiinya u leedahay qaxootiga Soomaalida ha nala ka celiyo ? aad bey u sahlantahay saad la socotaan Qaxootiga Soomaaliyeed ee Kiinya jooga waxay u badanyihiin dad ka qaxay gobolada Jubooyinka, Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose.

Waana taa Kiinya xasuuqa xooga badan ka samaynaysa Goboloda Jubooyinka ,waana meeshii ugu haboonayd ee laga soo celin lahaa qaxootiga ,marka saw ma cadda in qaxootiga ha nala ka celiyo waxba ka jirin ee danta ay ka leeyihiinu tahay qaxooti baan haynaa iyo in dawladda soomaaliya culays iyo rakaato uga dhigaan ,sidaasna qaxootigu ugu sii jooga Doolarkana u dhuuqdo ,una sii socoto faa`iidadey ku qabaan joogitaanka qaxootiga .

T-Soomaali badan baa dagan Nairoobi oo ka shaqaysta iyo kuwo si caadiya u dagan  :

Soomaalida dagan Nairoobi waa laba qaybood :

Ganacsatto :

Ganacsatado waxay Nairoobi geeyeen maal galin aad fara badan oo hantdii ka badbaaday burburkii Soomaaliya  Kiinyaa la geeyey ,taa yaa faa`iido ku qaba aduunku waxaa uu raadiyaa maalgalin kiinya soomaalida waxay ka heshay maal galin oo hantidii Soomaali lahayd mood iyo maalba kiiyaa la geeyey ,sidoo kale Soomaalidii dabadaha aaday waxay labataankaan sano shaqaynayeen kiinyey galiyeen ,yaa faa`iido ku qaba isweydiinee 100% dawlada kiinya iyo shacabkeeda faa`iido ku qaba .teeda kale Soomaalidu  kiinya aad bey u dhiseen haday ahaan lahayd rugo ganacsi oo aad u waaweyn Hotteelo warshado iyo real astate aan tiradooda la koobi karin oo Nairoobi hadii toban loo qaybiyo meel ku dhawaanaysa ,ganacsiga kiinya oo la ogyahay Hindiyo  haysatay bey ganacsatada Soomaalidu gacanta u galisay dadka kiinyaankaa .

Sidoo kale Soomaalida reer Kiinya aan isweydiinee maxay ahaan jireen intaynana Soomaalidu ussoo Qixin ,maxayse ku haysan jireen Nairobi ,waataa maantay hantida meel ay kala dhigaan la`yihiine ,yaa marka ay tahay in loo abaal sheegto ,yaanan ku dheeraan waa cadadahay cidda in loo abaal sheegto ay tahay waana kiinya dawladeeda iyo shacabkeeda , weyna ogtahay dawladda kiinya arinkaas tusaale yar hadaan idin siiyo ,baryo dhawey oo qaraxyadu ka dhacayeen Nairoobi oo Soomaalida la handaday oo culays la saaray baa waxaa dhacday qaar ka mida ganacsatadu in ay kala bexeen xooga yar marka loo fiiriyo lacagaha badan oo u yaal baa hal maalin bangiyada kiinya kala baxeen lacago u yaalay in yar oo ka midda oo gaarayseu 170,000,000$ hal mar baa Bangiyadii Kiinya qaylyeen oo dawladda la xariireen oo ay ku yiraahdeen hadii ay sii socoto arinkaanu inuu dhaqaalaha kiinya khatar galayo ,isla markiiba dawladii wey joojisay dadkii kussoo qamaamayey xaafadda islii Iyo Guud ahaan dadka Soomaaliyeed ayadoo durba ka shaqaysey inay jawiga dajiso ,oo caadi ku soo celiso si ganacsatada Soomaalida kalsooni u galiso una joojiyaan labixidda lacagahooda .

Dadka Caadigaa :

Daka Soomaalidaa oo Caadiga u dagan Kiinya waxaa loo soo diraa oo dibadaha looga soo diraa bishii lacago gaaraya boqolaal malyan oo doolar waxayna lacagta sidaas kiinya usso gasha ka badatay lacagha dalxiis ay ku faanaan ka soo gasha ,marka yaa faa`iido ku qaba .dadka Soomaadaahu waa sidii dalxiisayaal wadanka soo galya lacgo adag oo aad iyo aad u faro badan .

J-Hayadaha Caalamigaa :

Balaayiinta Doolar oo Soomaaliya waa ku bexeen la leeyahay labaatan iyo dhorwrkaan sano waa la iska ogyahay meeshay ku baxaan oo waa kiinya oo Soomaaliya waxa ka gaara kama badnaan karaan 10% oo kaliya 90%waxay gashaa  waa Kiinya .

Hadaan Niraando aan tirino Faa`iidada Kiinya ku qabto Burburka Soomaaliya buugag baa la qori karaa , ee kuma soo koobi karno Qoraalkaan kooban ,waxa aan soo qaadnay waa un tusaale .

Marka waxaa isweydiin Mudan dadka ama Soomaali Ha ahaadaan ama soomaali Kiinyaan ha ahaadeen ama Kiinyaanka kalabee oo ku hadaaqayaa Kiinyaa Soomaali wax wey u tarta ,sidaas daradeed  wax dhiba ma leh in  shacabka Soomaaliyeed ku xasuuqdo dalkoodii oo abaalka ay noo galaan baa ka weyn ayadoo ay raggaas u qarsoontahay in xattaa kiinya Abaalkay gashay awgeed lasiiyo Jobooyinka iyo Xeebaha ku teedsan ,Nimankaas siyaasiyiinta isku sheegaya ma waxaa maan dooriyey Xoogaaga sandareertadaa oo Nabadsugidda kiinya siiso .Kiinya Soomaalida Joogtaa Lacagtooday Ku joogaan oo saan la wada socono waan wada ognahay Booliska kiinya waxay ku hayaan Soomaalida oo lacag saacad saacad looga qaato dariiqyada Nairoobi .

Dadka Siyaasiyiinta Sheeganaya oo xasuuqa loo geystay shacabka Soomaaliyeed iyo dhibaatooyinka kala gadisan oo labataankan sano Kiinya ku haysay ,oo raba wax si khadan loo sheego in laga indhasaabo shacabka Soomaaliyeed waqtigeedii waa laga gudbey ,waa laga gudbey Nin dhiigayaga dhuuqaya in la yiraado waxbuu kuu taray .

Soomaali Hadii Ilaahay yiraahdo Dhulka wey ka kici Kinyana waxay ahayd wey tusi ,kuwaan Dhuune raacaana horayna dalka ugu lahaa taariikhda madow ,dhaqaalihii Umadda Soomaaliyeed oo dhibaataysanna ay ka dhaceena Qasriyada nairoobi ku leh hadana jawaasiis U ah nabadsugidda kiinya waa lala xisaabtami doonaa .

Dadka dadkoodii la xasuuqayna ma iloobi doonaan dadkoodii la xasuuqay iyo Biriqaatayaasha kiinya ku taageeraya xasuuqa dadkooda .

Soomaaliya ha xarowdo hana Israacdo

Mohamed Soomaali
Kismaayo, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com