Shirwayne Ay Yeesheen Waxgarad Iyo Siyaasiyiin Kasoo Jeeda Beesha Sade Oo Shalay 15th July 2013 Ka Dhacay Magaalada Melbourne Ee Dalka Australia.

0

top-newsMelbourne (AGGM): Shirwayne ka dhacay Maantey 15th July 2013 Magaalada Melbourne ee Dalka Australia  ayaa Waxaa isugu yimid Aqoon yahaniin, Siyaasiyiin iyo wax garad badan oo ka soo jeeda Beesha Sade oo si qaas ah uga hadlayey arimo badan  kuna taageerayey Dawlada Federal ka ee Somalia , Amaan balaarana uga soo jeediyey mudadii ay xukunka hayeen hawlaha balaaran ee  la taaban karo ee ay u qabteen uma Somaliyeed meel walba oo ay joogaan iyo sida ay u muujiyeen sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatooyinka ka jira wadanka.

Waxaa kale oo lagu taageerayey kulankaas amaan balaarana looga soo jeediyey Col. Barre Adan Shire iyo Saraakiisha ay isku mawqifka yihiin oo uu hormoodka u yahay Col. Bare Aden Shire.

Sidoo kale waxaa kamid ahaa qodobadii sida qaaska ah looga hadlay sida ay Besha Sade hal mowqif uga wada yihiin arimaha Jubboyinka iyo gedo meel walba oo ay joogaan. Aadna uga xun yihiin nimanka aragtida gaaban ee sheegta beesha sade ee la socda Jabhada Raskamboni ee salka ku haysta Kenya oo ogalaadey in umada Somaliyeed ee degta Jubooyinka qaasatan Kismayo la xasuusqo lana dhaco hantidoodii oo aan waxbo loo reeban.

Kulankan waxaa lagu canbaareeyey nimankaas lagu maga caabo Fartaag iyo Inna Ugaas Xaashi inaysan ahayn niman haba yaraatee matali kara amaba wax garad ah oo hunguri raac noqdey been iyo waxaan jirina loo aqriyey. Siwayna looga hadlay loona eedeeyey. Waxaa kale oo looga hadlay kulan kan ay isugu yimaadeen aqoon yahaniin, Siyaasiyiin Somaliyeed oo ku kala nool dalal badan oo caalamka ayaa ahaa kulan aad loo soo abaabuley oo macnowayn ku fadhiyey wax badana laga gaarey go’aano la taaban karo .

Kulankan ay dadkaa isku dhafan ee aqoontoodu wax ku oolku tahay ayaa taabtey kooxaha cusub ee danbiilayaalka ah ee horey dadka iyo dalkaba danbiyada kasoo galay ee misna fursada u heley inay xilal qaarkood kasoo qabtaan marxaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray ayaa misna maantey doonaya inay rabshado iyo qalalaaso cusub ku abuuraan umada Somaliyeed ee maantey la dhihi karo waxay heleen Dawlad wax ku ool ah.

Waxgaradkaas kulankan isugu yimid waxay isku aragti ka noqdeen inay nimankaas Nairobi isugu yimid yihiin dad danbiyo waa wayn dalka iyo dadkaba ka galay oo loo baahan yahay in Maxkamad la soo saro oo la soo hor istaajiyo si loogu qaado danbiyadii ay geesteen. Mana aha wax la dhagaysto sababtoo ah waxaan u aragnaa inay yihiin danbilayaal galayna boqolaal danbi oo kala duwan dadka iyo dalkaba ka galay.

Waxaa sidoo kale loogu canbaareeyey kulankaas niman badan balse beesha Sade waxay ku canbaareeyeen halkaas ninka lagu magacaabo Shiikh Aw Libaax oo ay la yaaban yihiin aqoon yahaniinta, siyaasiyiinta iyo waliba wax garadka beesha Sade sida uu noqdey oo uu u fududaadey isagoo marba meel kuboodaya shalay waxaa hariga beenta ah ee hunguriga u lulay hebal madobe oo danbiilo wayn ah maantana niman kasii liita ama lamid ah ayaa hariga u lulay oo uu dabo fadhiyaa.

Booska uu joogo iyo meesha uu is dhigayo mar walbaba waa wax lala yaabo waxaanay isku aragti ka noqdeen inuu yahay shaqsi uusana matali Karin beesha Sade. Sababtoo ah waa nin aragti gaaban taasna waxaa daliil u ah ninka dadkiisa ka iibsan jirey Ethiopia iyo Kenya oo maantana damcay inuu Somalida degta Kismayo isagoo hunguri raadis ah inuu iibsado inka ku fikirnoqdey maahan nin matali kara Beesha Sade iyo waliba kuwa danbiilayaalka waawaynka ah oo ku heshiiyey inay Dawlada Somaliya ku noqdaan cadaw.

Waxaa kale oo looga hadlay sidii loo dhisi lahaa Gobalka Gedo haday noqoto dhan wax barasho, Cafimad, airport yada iyo waliba dhanka wadooyinka ayadoo ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo amaanka Gobalka.

Shirkan ayaa ahaa mid la oran karo wuxuu ahaa mid wax ku ool ah oo aan rajeyneyno mardhaw in talaabooyin ku saabsan qodoba dhawr ah oo qalinka loo jiidey laga fuliyo Gobalkaas bilaha soo socda. Hawshaasna waxay u taalaa Besha Sade eek u nool calamka iyo Gobalada ay dagaan.

Waxaan Mahad balaaran ugu soo jeedineynaa Aqoon yahaniinta Beesha Sade, Siyaasiyiinta iyo waliba wax garadka ka kala yimid wadamo badan oo calamka kamid ah.

Iyagoo si qaas ah amaan balaaran ugu soo jeediyey sida wanaagsan ee ay usoo diyaarisay ama isugu soo duba ridey aqoon yahanada ahana siyaasiyada caanka ah ee lagu magacaabo Zaynab Sheikh kulankan wax ku oolka ah.

Isla markaasna ahaa kulan wax la taaban karo uga soo saareen kulankoodii ayna diyaarka u yihiin inay qabtaan wax muuqda waliba sida ay isugu gaysteen fikradahooda iyo aqoontooda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com