Amisom Oo Sheegtey Inay Xaqiijinayso Amaanka Shacabka Gobollada Jubooyinka

0

Cali-Aadam-XaamudMuqdisho(AGGM)Taliska ciidamada Amisom ee Soomaaliya ayaa sheegey in ay wadaan sidii xasilooni loogu soo dabaali lahaa xaaladaha magaalada Kismaayo oo bilihii ugu dambeyay ay xisado ka taagnaayeen. Afhayeenka ciidamada Midowga Africa ee AMISOM oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta  ayaa ka hadlay howlgalka ciidamadsi ee ku wajahan Gobollada Jubbooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo.

Col. Cali Aadan Xumad Afhayeenka ciidmada Amisom ayaa sheegay in Ciidamada Amisom ay ka go’antahay xaqiijinta ammaanka magaalada Kismaayo si ay shacabku u helaan nabadgelyo iyo horumar.Sidoo kale Afhayeenka ayaa ku celceliyay in hadafka Amisom uu yahay u hiilinta shacabka Soomaaliyeed,  iyagoo ka taageeraya dhinac walba, wuxuuna ugu baaqay dowlada iney kaalinteeda ka qaadato nabadeynta gobolada Jubbooyinka.

Waxaa uu yiri Xaamud ‘’Amisom waxey jeceshahay in ay ilaaliso nabadgelyada shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Kismaayo iyo agagaarkeeda dowladana wa in lagu taageero sidii ay u gaari laheyd shacabka baahidooda,  Amisom waa ciidamo gurmad ah haddi ay dhibaato geystaana waa xisaab meesha taal oo taariikhda taabaneysa’’ .

Ugu dambeyntii hadalka Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ayaa imaanaya xilli dhawaan dagaal geystay qasaaroyin kala duwan uu ka dhacay magaalada Kismaayo kaasi uu u dhexeyey ciidamada kiiniya oo garab siinaya Jabhadda Raaskamnbooni iyo kuwa dawlada federaalka ah. Sidoo kale hadalkiisu waxa uu imaanayaa xilli Kismaayo ka socdaan Tacadiyadda ay wadaan jabhadda raaskambooni.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com