Dawladda Oo Lagu Baaqay Inay Soo Magacawdo Safiir Cusub Oo K-Afrika U Fadhista

0

Xiska_Maalinta_Xoriyada_8Muqdisho(AGGM) Guddoomiye ku-xigeenka Gudiga Odayaasha Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka koonfur Afrika Jeele Cali Nuur ayaa ka dalbaday Dowladda in ay soo magacaabaan Safiir cusub oo badalla Allaha u naxariistee Sayid Xasan Shariif C/laahi  oo Soomaaliya u fadhin jiray dalka Koonfur Afrika, kaasi oo dhawaan aas Qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho kadib markii uu ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, isagoo xusay in loo baahanyahay in halkeedii laga sii wado dadaalka ku aadan sidii loo badbaadin lahaa Soomaalida ku dhaqan dalkaasi oo ka cabanaya dhibaatooyin kala duwan.

Jeele Cali Nuur ayaa sheegay in uu la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha iyo xildhibaanada barlamaanka una gudbiyay fariin uu ka siday Shacabka Soomaaliyed ee dalkaasi ku nool, oo ku aadaneyd in dowladdu ay dhigeeda Koonfur Afrika kala xisaabtanto tacadiyadaha joogtada ah ee lagula kacayo Soomaalida wadanka Koonfur Afrika ku dhaqan.

Dhibaatooyinka ay la kulmaan ganacsatada Soomaalida ee dalka koonfur Afrika ayuu ku sheegay guddoomiye ku-xigeenka in ay la mid tahay mida ay isugeystaan dadka Koonfur Afrikaanka ah,  isagoo xusay in dadka Soomaalid aanay weli la jaan qaadin hanaanka dalkaasi looga dhaqmo, taasna ay keentay dhibaatooyinka soo waajahaha Soomaalida halkaasi ku dhaqan.

Ugu dambeyntii Jeele Cali Nuur waxa uu ka mid ah ahaa guddigii odoyasha ee dalka Koonfur Afrika ka soo qaaday Allaha u naxariistee meydka Sayid Xasan Shariif C/laahi oo dhawaan Muqdisho lagu aasay.