Ciidamada Mileteriga Kiiniya Oo Xalay Kufsi Ka Geystey Magaalada Gaarisa

0

3911-300x205Nairobi(AGGM) Ciidamada Mileteriga Kiiniya oo xalay hawlgallo baaritano ah ka waday xaafad ka mid ah xaafadaha Magaalada Gaarisa ay dhibaato baahsan ka geysteen isla markaasna kufsi kula kacay gabar yar iyo hooyadeed oo la sheegay inay xilligaasi gurigooda hurdeen,waxaana la sheegay in xilliga kufsigu dhacayo ciidamada mileteriga kiiniya sheegeen inay wadaan baaritaano ay ku baarayaan dad Alshabaab lagu tuhunsan yahay.

Gurigan dhibaatadu ka dhacday ayaa la shaacinaya inuu ku yaala meel aad ugu dhaw Suuq Mugdi oo ay dhawaan ciidamada Mileteriga dalka Kiiniya gubeen isla markaasna dad badan xilligaas dhibaato ku gaarsiiyeen. Ciidamadan ayaa la sheegay in xaafadaha markii hore si caadi ah u baraayeen balse gurigan oo la sheegey inay ku sugnayeen gabar yar iyo hooyadeed ay dhibaato u geysteen.

Xaafadaha kale ayaa la sheegaya inay dad badan ku sugnayeen isla markaasna aysan awood u helin inay dhibaato soo gaarsiiyaan dadkaasi balse waxaa la sheegay inay ka faa’iideysteen Hooyo iyo gabar yar oo masaakiin ah oo ay dhashay,waxaana la sheegay inay kufsadeen isla markaasna dhaawacyo soo gaarsiiyeen.

Ciidamada mileteriga kiiniya ayaa intooda badan ah kuwo ka soo jeeda Gobollada Dhexe ee dalka Kiiniya iyo meelaha kale ee ay ku badan yihiin dadka asalkoodu yihiin kiniyaatiga,waxaana la sheegaya inay aad ugu yar yihiin askarta Soomaalida ah ee wadankaasi ka mid ah,waxaana dhibaatadani tahay mid aad u fool xun oo shacabka gaarisa aad uga xumaadeen.

Ma jiraan cid ka tirsan maamulka Magaalada Gaarisa oo ka hadlay dhibaatadaasi,waxaana lagu wada inay saacadaha soo socda ka warbixiyaan talaabadaasi isla markaasna looga fadhiyaa inay cadaalada hor keenaan askartii dhibaatadaasi ka dambeysay iyadoo aan waxba wali laga qaban suuqii dhawaan ay gubeen ciidamada mileteriga kiiniya oo hanti badani ku baa,baday.

Ugu dambeyntii Hooyadaasi iyo gabadheeda ayaa la sheegaya ina yihiin dad ka soo jeeda degaanka Gaarisa isla markaasna waligood ku sugnaa halkaasi,waxaana la sheegay in aabaha reerku uu markaasi guriga ka maqnaa,waxaana la sheegayaa in xaaladooda caafimaad lagu daawenayo Magaalada Gaarisa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com