Baarlamaanka oo dib u celiyay hindise sharciyeedka Gardoon “Sawirro”

0

DSC09335Muqdisho(AGGM) Kalfadhiga aan caadiga aheyn kulankiisa 8-aad oo ay mudanayaasha baarlamaanku ku yeesheen xarunta golaha shacabka ayaa waxaa shir guddoominayay Jeylaani Nuur Iikar guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka ajandahuna waxa uu ahaa dhageysiga warbixinta gudiga garsoorka Awqaafta iyo arrimaha diinta ee baarlamaanka oo ahaa  dib u eegista ay ku sameeyeen hindise sharciyadeedka Gadroonka iyo wax yaabaha ay ka badaleen.

Furitaanka shirka kadib waxaa laguda galay dhageysiga warbixinta gudiga garsoorka ee ku aadan hindise sharciyadeedka Gardoon,  oo uu mudanaasha u aqriyay guddoomiyaha gudigaasi, waxaana uu sheegay in xafiiska Gardoon uu yahay ilaaliyaha dadweynaha, islamarkaana u xilsaaran baarista cabashooyinka la xiriira xadgudubyada ka dhanka ah xaquuqda aadanaha ee loo geysto qof degan Soomaaliya.

Dhageysiga Warbixinta gudiga garsoorka awqaafta iyo arrimaha diinta ee baarlamaanka ee ku aadaneyd wax yaabaha ay ka badaleen iyo tallooyinkii xildhibaanada ay ku dareen kadib ayaa waxaa la bilaabay in hindisahaasi loo codeeyo si baarlamaanka ay u mleelmariyaan,

Codeynta kadib waxaa natiijada mudanayaasha codeysay ku dhawaaqay Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar oo isagu shir guddoominayay kulankaasi waxaana uu yiri “Handise sharciyeedka Gardoon waxaa u codeysay 49-mudane oo hindisahaasi taageertay, halka ay ka aamuseen 10- xildhibaan, waxaana ka soo horjeesatay 106 Mudane”

Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in uusan ansax ahayn, islamarkaana ay ku celiyeen hay’addii baarlamaanka u soo gudbiysay hindise sharciyeedka Gardoon.

Hindise sharciyeedka Gardoon waxa ay baarlamaanka ka doodayeen mudo laba maalin ah sababaha ugu badan oo ay ku macneeyeen dib u celinta hindisahaasi, waxa ay ahayd in xiligaan iyo marxalada uu wadanka ku jira aaney ku habooneyn hindise sharciyadeedka Gardoon magacuna uu yahay mid aan xambaarsaneyn howsha sharciga gudihiisa lagu xusay

Hindise sharciyeedka Gardoon ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay dib u celiyaan mudanayaasha baarlamaanka tan iyo markii ay galeen kalfadhiga aan caadiga aheyn ee looga doodayo hindise sharciyadeedyada ay Xukuumadu soo gudbisay si loo meel mariyo ama dib loogu celiyo.

DSC09298DSC09299DSC09319DSC09331DSC09328DSC09333DSC09332DSC09335DSC09337DSC09338