UN: '' Dhinacyada Siyaasada Puntland Waa Inay Nabad Ku Xaliyaan Khilaafka Jira ''

0

Kaypic1-330x220Garoowe(AGGM) Qoraalka kasoo baxay Xafiiska ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa looga hadlay xiisadaha ka dhashay Doorashadii Puntland iyo go’aankii kasoo baxay dowlada Puntland ee dib loogu dhigay doorashada.

Qoraalkan ayuu Nicholas Kay tacsi ugu diray dadkii wax ku noqday xiisadaha ka dhacay maanta Puntland.

Ergaygga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midowbay, Nicholas Kay, ayaa ku tilmaamay go’aanka manta la gaaray ee ku saabsan dib-udhigista doorashooyinka in uu yahay mid loo baahnaa oo ay ku dheehantahay geesinimo” ka dib markii ay iska horimaadho ka dhaceen qeybo ka mid ah Puntland.

Ergaygga Gaarka, Nicholas Kay, wuxuu yiri “waxaan tacsi u diraya dadkii ku waayey eheladoodi ay jeclaayeen. Waxaan la xiriiray dhamaan dhinacyada ay Arrinta Khuseyso waxaana ku guubaabiyey in ay muujiyaan deganaasho”

Ergaygga Gaarka, Nicholas Kay, wuxuu cambaareeyay iskahor- imaadka, wuxuuna ku guubaabiyey dhamaan Qeybaha Siyaasadeed ee ka jira Puntland in ay ka faa’ideystan fursadan oo miiska wadahadalka soo wada fariistaan islana wada shaqeeyaan si ay ku xaqiijiyaan helitaanka nidaam ay ku dheehantahay Demoqoraasiyad, Nabad , shacabkana kalsooni ku qabi karaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com