Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Oo Dhalinyarada Ugu Baaqay U Istaagidda Horumarinta Dalkooda

0

IMG_4997Muqdisho(AGGM) Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mude Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in gacan ka geestaan badbaadinta dalka, isaga ka codsaday in gacan siiyaan dhalinyarada lamarinhabaabiyay oo ay ka hortagaan khtarta ay ku jiraan si loo badbaadiyo jiilkaasi.

R/wasaaraha ayaa hadalkaan ka sheegay kulan uu shalay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kula qaatay dhalinyaro tiradoodu gaareysay 250 oo isugu jiray rag iyo dumar, kuwaasi oo ka kala socday ururada dhalinyarada, ardayda Jaamacaddaha iyo kuwa dugsiyada sare ee gobolka Banaadir, kuwaasi oo uu ugu baaqay ka qayb qaadasha horumarka dalka

R/wasaare Saacid ayaa xusay in dhallinyarada looga fadhiyo in ay gacmaha is qabsadaan oo ay u istaagaan sidii looga shaqeyn lahaa mustaqbalka dambe, maadaama ay dhalinyaradu tahay mustaqbalka beri.

R/wasaaraha ayaa yiri “Waxaan Alle uga baryaayaa in dhalinyarada Soomaaliyeed ee la marin habaabiyay in uu Alle wadada toosan ku soo rido, dhalinta kalena waxaan u soo jeedinayaa inay u istaagaan ka shaqeynta midnimada Soomaaliya”

Mude Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa gabo gabadii hoosta ka xariiqay in Xukuumaddu ay fursad shaqo abuur ah siin doonto dhallinarada, loogana baahanyahy in ay ka soo dhalaalaan doorkooda ku aadan ka shaqeynta amniga iyo horumarka dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com