QM Oo Ciidamada Kiiniya Ee Kismaayo Ku Sugan Eedeyn Culus U Jeedisay

0

dhuxusha-kismayo1Muqdisho(AGGM) Warbixin ay soo saaray kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan Xayiraadaha saaran Soomaaliaya iyo Eretria  ayaa lagu eedeeyay ciidamada Kenya ee ku howl gala Magaca AMISOM ee ku sugan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada hoose in ay fududeeyaan dhoofinta Dhuxusha Sharci darada ee laga dhoofiyo Magaalo xeebeedka Kismaayo.

Qaramada Midoobay ayaa mamnuucday dhoofinta Dhuxusha laga Dhoofin jiray dalka Soomaliya bishii February 2012 si loo jaro Dhaqaalo fara badan oo Xarakada Al-shabaab ay ka heli jirtay Dhoofinta Dhuxusha.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ciidamada Kenya iyo Kuwa Jabhadda Raaskanbooniyiinta in ay qaateen go’aan laba geesood ah si Markale ay dib ugu billaabaan dhoofinta dhuxusha.Ciidamada Militariga Kenya ayaa gaashaanka u daruuray eedayntaasi ay u soo jeedisay Kooxda Qaramada Midoobay u Qaabilsan la socodka Xayiraadaha Saaran Soomaliya iyo Eletariya.

Colonel Cyrus Oguna, oo ah afhayeenka Ciidamada Kenya ee jooga Magaalada Kismayo ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay wax luga Ah kulahayn dhoofinta Dhuxusha Sharci darada ah. Mr.Oguna ayaa shaaciyay in Ciidamada Kenya aysan joogin Air-port ay maamulaan gudi ee yagleeleen Maamulka Jubalanad .

Dhinaca kale Dhuxushan ayaa la sheegay in marka Magaalada Kismaayo laga dhoofinayo in warqadaha rasiidhka lagu qoro inay ka soo dhooftey Magaalada Mombasa taasi oo ay qaramada midoobay baaritaan ku sameysay isla markaasan soo ogaatey in arrimo musuq-maasuq ahi ka jiraan Magaalada Kismaayo iyo dhibaato ciidamada kiiniya ku hayaan shacabka soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii dhuxusaha ayaa badankeeda loo iibgayn jiray Dubai waxaana iibasan jiray ninka lagu magacaabo Baba Mansoor Ghayedi oo dhalasha ahaan kasoo jeeda dalka Iran oo kooxda Qaramada Midoobay ee lasocodka Xayiraadaha Saaran Soomaliya iyo Eretria ay ugu Magacdareen Boqorka Dhuxusha.