Maleeshiyaad Alshabaab Ah & Hubkoodii Oo Lagu Qabtey Degmada Dayniile (sawiro)

0

DSC09282Muqdisho(AGGM) Howlgallo ay xalay degmada Deyniile ka sameeyeen ciidamada Nabad sugidda ayaa lagu soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab iyo hub ay wateen.

Howlgalkani oo uu hogaaminyay Taliyaha Nabadsugida Gobalka Banaadir Khaliif Axmed  Ereg oo ay xalay ka sameeyeen  Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya Degmada Deyniile ayaa waxay ku soo qabteen maleeshiyaad xalay degmadaasi ka geystay falal Arbushaad ah iyo Hub ay kula dagaalameen Ciidamo ka tirasan kuwa Dowladda Soomaaliya.

maleeshiyaadkii lagu soo qabtay howlgalkaas oo maanta  Saxaafadda loo soo bandhigay  ayaga iyo Hubkooda  waxay qirteen  inay ka tirsanyihiin Maleeshiyaadka Shabaabka ayna xalay Soo  weerareen Ciidamo ku sugnaa Degmada Deyniile sidaasna Ciidamada Dowladda ay gacanta ugu dhigeen ayaga iyo hubkooda.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Maxamed Yuusuf Madaale oo u hadlay Hay’adaha Ammaanka ayaa sheegay in maleeshiyaadkan ay soo bandhigeen ay ka mid yihiin Kooxda Shabaab xalayna ay soo weerareen goob ay ku sugnaayeen ciidamo, isagoo intaa ku daray in Ciidamada ay iska difaaceen islamarkaana ay gacanta ku dhigeen ayaga iyo hubkooda oo iswata.

Afhayeenka ayaa  tilmaamay tirada raggga howlgalkaasi ay ku  soo qabteen ay tahay  2 ruux oo dhalinyaro ah iyo 5 qori oo ay ku dagaalamayeen dhagarqabayaasha, waxaana uu sheegay inay sii wadi doonaan howlagallada ay ku baacsanayaan qaswadayaasha doonaya in ay falal Amni darro ah  ay ka sameeyaan magaalada Muqdisho iyo Guud ahaan gobollada Dalka.

Howlgalkani ayaa waxaa uu qeyb ka yahay howlgallada lagu xaqiijinyo Ammaanka magaalada Muqdisho, islamarkaana lagula dagaalamayo kooxaha dhagarqabayaasha ee ka tirsan Al-qaacidada Soomaaliya ee Shabaab ayaa caadeystay gumaadka umadda Soomaaliyeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

DSC09269DSC09270DSC09274DSC09276DSC09282DSC09285DSC09287DSC092831