Kismaayo: Laba Haween Ah Oo Lagu Dilay Xaafada Guul-Wade Xalay

0

19381Kismaayo(AGGM) Gudaha Magaalada Kismaayo ee xarunta jubadda hoose waxaa ka sii socda dilka,Kufsiga,boobka iyo Dhaca ay geysanayaan maleeshiyaadka laga soo aruuriyey kilinka 5-aad iyo Gaarisa Gubaay,waxaana maalin kasta Magaalada Kismaayo ka dhaca falal aad u fool xun kuwaasi oo ay geysanayaan maleeshiyaadka gacanta ka helaya Ciidamada kiiniya.

Xaafadda Guul-Wade ee Magaalada Kismaayo waxaa xalay maqribkii ka dhacay fal aad ay uga naxeen shacabka Magaalada Kismaayo kaasi oo ay geysteen ciidamo ka tirsan kuwa Raaskambooni oo la sheegay inuu hogaaminayey nin asalkiisu ka soo jeeda Magaalada Gaarisa ee waqooyi bari dalka Kiiniya kaasi oo magaciisa lagu soo koobay Cabdi Sujuu.

Ninkan iyo kooxda la socota ayaa la sheegay inay gudaha u galeen guri ku yaala xaafada Guul-wade isla markaasna ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo u badnaa caruur iyo haween kuwaasi oo la sheegay inay u diyaar garoobayeen inay afuuraan xilli saladii Maqrib soo dhaweyd,waxaana la sheegay inay haweenkii ku amreen inay soo furaan dahabka ay xirnayeen.

Waxa la sheegay in haweenkaasi ka biyo diideen amarka ka soo yeeray ninkaasi iyo kooxdiisa,waxaana la sheegay inuu rasaas ku furay taasi oo sababtey inay halkaasi ku geeriyoodaan labo haweenka ah oo ku sugnaa halkaasi,waxaana la sheegay inay markiiba goobta ka baxsadeen.

Warar aan la hubin ayaa sheegay in rag ka tirsan Jabhadda Raaskambooni isla markaasna iyagu  ka soo jeeda Gobolada Jubadda Hoose isla markaasna ku qabiil ah kooxda dilka geysatay ay weerarkaasi ka xumaadeen isla markaasna aqoon fiican u lahaa labada haween ah ee la dilay ayaa la sheegay inay markiiba waceen ciidamada dawlada kiiniya isla markaasna ku wargeliyeen in falkaasi ka dhacay halkaasi.

Ciidamada dawlada kiiniya ayaa la sheegay inay halkaasis oo gaareen isla markaasna saacado ka dib ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan ninkii dilka geystey iyo kooxda la socotey,waxaana la sheegaya in dadka dhibaatada badan ku haya shacbaka kismaayo ay yihiin kuwo intooda badan ka soo jeeda Gobollada Waqooyi bari dalka Kiiniya iyo Kilinka 5-aad.

Ugu dambeyntii dhibaatada ay geysanayaan Maleeshiyaadka laga soo daabulay Gaarisa Gubaay iyo Kilinka 5 aad ee dalka Itoobiya ayaan la aqoon meesha loo raaci doono,waxaana la aamisan yahay inay dhibaatooyiinkaasi galaafan doonaan dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan isla markaasna iyagu u dhashay degaanad Jubooyinka iyo Gedo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com