War Deg Deg Ah: Dagaalka Ka Socda Qardho Oo Khasaare Badan Dhaliyey

0

C1A0408F-2754-412B-BA7A-C2C35F8040FB_w640_r1_s_cx0_cy3_cw0Garoowe(AGGM) Dagaal xoogan oo ilaa saaka si xoogan uga socda gudaha Degmada Qardho ee Gobolka Karkaar ayaa ah mid khasaare dhimasho iyo dhaawacba ba leh dhaliyey kaasi oo la sheegayo inuu u dhexeyo ciidamada Maamulka Puntland iyo kuwa degaanka oo qaab qabiil isu abaabulay.

Dagaalkan ayaa qarxay markii ciidamada Maamulka Puntland ay saaka Degmadaasi geeyeen Sanadiiq nooca doorashada ah oo ay dadka degaanku ka soo horjeesteen,waxaana la sheegay in dhalinyarro hubeysaneyd oo qaab qabiil ahi weerar culus ku qaadeen saldhig ciidamada Maamulka Puntland halkaasi ku leeyahay.

Dagaalkan ayaa la sheegayaa inuu siii balaartey isla markaasna ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac soo gaarey dadka shacabka ah iyo kooxaha dagaalamaya,waxaana hadda la sheegayaa inuu dagaalkaasi si xoogan uga socdo bartamaha Magaalada Qardho inkastoo wararku sheegayan in ciidamada puntland dagaalkaasi ku gacan sareyaan.

In kastoo dagaalku wali socda hadana waxaa la xaqiijinaya inay dagaalkaasi ku geeriyoodeen in ka badan 6 ruux oo shacab iyo kooxaha dagaalamayey ah,waxaana la sheegayaa inuu dhaawacu intaasi ka badan yahay isla markaasna goobaha caafimaadka ee Magaalada Qardho loo daad gureynayo.

Ugu dambeyntii Magaalada Qardho waxa ku sugan Masuuliyiin  si weyn uga soo horjeeda arrimaah doorashada ee degaanada Puntland kuwaasi oo la baxay golaha samatabixinta Puntland isla markaasna hore uga soo horjeeday Sanad kororsiigii Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Faroole ku darsaday sanadkii la soo dhaafay.

Wararka Ka Soo Kordha Kala Soco Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com