Dhagayso:Bacmadoowdi Sheegatay Inay Yihiin Ergadi Gedo Ee Shirki Kismaayo Oo Maanta Qirtey Inay Yihiin Dad Tuugsada.

0

bac madoowKismaayo(AGGM) Arrintan Magaalada Kismaayo ayaa ah mid xasaasi ah isla markaasna Koofiyad Baclayaashi diyaaradaha lagu soo gurey ay qaylo labada dhaban qabsadeen isla markaasna nafta u yaaban yihiin gaar ahaan kuwi diyaaradaha Lagaga soo daabulay ee ka yimid gobolka Gedo. Waxaana arrintaasi ka hadlaya qaar ka mid ah Koofiyad Baclayaasha diyaaradaha lagu soo daabulay oo shaacinaya xaqiiqda dhabta ah ee ka taagan kismaayo.

Labada ka mid ah Koofiyad baclayaasha gobolka Gedo ayaa si qiiro leh uga hadlay xaaladaha Magaalada Kismaayo ka taagan isla markaasna waxay shaacinayaan in Afduub ahaan lagu keenay Magaalada Kismaayo oo aysan ka jirin wixii hore oo loo soo sheegay,waxaana qaarkood shaacinayaan inaysan Matelin Beesha Sade.

Labadan Koofiyad Bac oo warbaahinta Sadaalnews.com khadka Telefoonak uga waramaya ayaa baahiyey inay xabsi ahaan ku jogaan magaalada Kismaayo isla markaasna ku jiraan xayn daabka Jaamacadda Kismaayo ayna la kulmaan bahdil iyo cago jugleyn uga imaanaysa ciidamada Kiiniya iyo kuwa Jabhadda Raaskambooni.

Labadan waa laba nin oo si weyn looga yaqaano Gobolka Gedo isla markaasna lagu tilmaamay inay yihiin Nabadoono Beesha Sade ka soo jeeda balse maahan ee waxay ahayeen dadka sida caadiga ah ugu nool Gobolka Gedo,waxaana dadkaasi soo qalday Maxamed Ugaas Xaashi Iyo Isbatoore Fartaag oo been iyo waxaan jirin ka soo dhaadhiciyey.

Dhamaan Dadkii Gedo laga soo aruuriyay ayaa hadda nafta u yaaban isla markaasna meel ay u baxaan garan la,a waxaana lagu helay Jaanis wanaagsan oo ah in ciidamadoodi ay ku joogeen kismaayo awoodana ku lahayeen ciidamada dawlada kiiniya xoog uga saareen magaalada Kismaayo,taas oo u xaqiijisay Koofiyad baclayaasha inaysan awood lahayn isla markaasna aysan wax cod iyo kalsooni midna lahayn kuna xabsiyan yihiin Jaamacada Magaalada Kismayo.

Ergaddi Gobolka Gedo laga keenay ee Tuulooyinka laga soo aruuriyay waxay hadda garteen inaysan cidna matelin isla markaasna ay yihiin tuugsadayaal aan go,aan lahayn,waxaana ka dhageysan kartaa codkooda Website-kan Allgalgaduud iyadoo ay codka ka qaadeen warbaahinta Saadaalnews.

Ugu dambeyntii Qofkii laga waayo soo joog waxaa laga helaa Soo Jiifo ayey Soomaalidu ku maahmaahdaa, Waxaa Ergadani ku sheegayaan inaysan xor ahayn isla markaasna adoon meel ugu xiran yihiin sidii la doonana laga yeeli karro oo aysan tallo farro ugu jirin iyagoo shaacinaya inaysan jirin meel ay ku shireen Beesha Absame Iyo Sade balse dalka Soomaaliya hadda u gacan galay ciidamada adoonka Kiiniya.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/07/ergadi-gedo-Waan-tuugsanaa.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Source-ka Codka: SM

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com