Ciidamada Dawlada Oo Hawgallo Culus Ka Wada Degmada Wadajir

0

USMuqdisho(AGGM) Ka dib markii shalay weerar ismidaamin ah ka dhacay inta u dhexeysa KM4 iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cade waxaa saaka ciidamada booliska oo kaashanaya kuwa xoogga dalka Soomaaliya bilaabeen baaritaano ay ku raadasanayaan kooxaha Alshabaab ee dhibaatada ka wada gudaha magaalada Muqdisho.

Hawlgalkan saaka ayaa lagu bilaabay Degmada Wadajir waxaana ciidamadu hawlgalkooda ku wadeen iyagoo guri kasta galaya isla markaasna baaritaano ku wada gacanta ku soo dhigaya kooxaha ay ugu shakiyaan inay lug ku lahayeen weeraradii ugu dambeyey ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Hawlgalkan saaka waxa lagu soo qabqabtey in ka badan 200 oo dhalinyaro ah kuwaasi oo la aaminsan yahay inay qaarkood ku jiraan kooxaha tageera Jabhadda Alshabaab ee weerarada ismidaaminta ah ku halaaga shacabka Soomaaliyeed,waxaana hawlgalkan socon doonaan dhawr ka maalmood ee soo socda.

Sarkaal u hadlay ciidamada dawlada ee baaritaanada wada ayaa shaaciyey inay gacanta ku hayaan dhalinyarro badan isla markaasna loo gudbin doono xarunta Dambi baarista Magaalada Muqdisho halkaasi oo lagu soo  baari doono isla markaasna su,aalo lagu waydiin doono,waxaana uu sheegey in ciddi aan dambi yeelan la sii deyn doono.

Sidoo kale sarkaalkan waxaa uu shaaciyey in qaraxi shalay ay ku dhinteen 5 ruux oo mid ka mid ahi oo ahaa askari ka tirsan ciidamada dawladda waxaana uu sheegey in gaarigii qaraxa geystey Taarikadiisi gacanta lagu hayo isla markaasna baaritaano lagu wado ciddii gaarigaasi lahayd.

Ugu dambeyntii qaraxan ayaa ahaa mid aad u baxaad weyn oo lala beegsaday gaadiid ciidamada Amisom leeyihiin,waxaana khasaare badan oo dhaawac iyo dhimasho ba leh ka soo gaaray dad shacab ah oo Sooman kuwaasi oo ku geeriyooday qaraxyadaasi,waxaana arrintaasi tahay xasuuqa shacabka soomaaliyeed lagu hayo qayb ka mid ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com