Amisom: Waanu Ka Hortageynaa Qaraxyadda Ay Soo Maleegaan Alshabaab

0

2976Muqdisho(AGGM) Taliska Ciidamada AMISOM ayaa shaaciyay inuu ka hortagayo falalka Qaraxyada iyo weerarada ah oo ay doonayaan maleeshiyaadka shabab inay ku waxyeeleeyaan bulshada,  isagoo ka codsaday Qeybaha Bulshada inay ku gacan siiyaan AMISOM iyo Dowladda shakhsiyaadka qatarta ku ah jiritaanka Amnigoooda.

Afhayeenka ciidamada AMISOM Cornel Cali Xumad oo la hadlay warbaahinta ayaa shegay in ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ay ka go’antahay in ay so afjaraan haraadiga Alqaacidada Soomaaliya  ee Alshabaab iyo cid waliba oo ka hortimada sugida amaanka dalka taana ay tahay howshooda ay Soomaaliya u joogan.

ASidoo kale afhayeenka ayaa tilmaamay in ay arinkaasi ka kaashan doonaan ciidamada dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed,  dhankale Cornel Cali Xumad Afhyeenka ciidamada AMISOM ayaa ugu baaqay shacabka Soomaliyeed in ay ka qebqaatan amaanka guud ee dalka,  ayna laso xiriiran ciidamada haddii ay la kulmaan cid ammaanka lid ku ah si ay ugu fuduudaato in ay ku guulestan xaqiijinta ammaanka .

Horay ayaa ciidamada dowlada oo kashanaya kuwa nabad ilaalinta AMISOM waxa ay ku guulesteen in ay magalada caasimada ah iyo gobolada dalka ay ka ciribtiraan maleshiyaadka Alqaacidada Soomaaliya kuwaas oo hadda ay mesha ka baxday awoodada kuna soo kobantay in ay fuliyaan qaraxyo ay ku argigixinayan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii hadalkana ayaa imaanaya xilli shalay ciidamada Amisom gaadiid ay wateen weerar lagu qaaday isla markaasna khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ka dhasheen kuwaasi oo soo gaarey dad rayid ah oo ka ag dhawaa meesah qaraxu ka dhacay,waxaana qaraxaasi sheegtey kooxda Alshabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com