Afhayeenka Ahlu Sunna Sheekh Al Qaadi Oo Ku Baaqay In Loo Gargaaro Masaakiinta.

0

ahlusunnaGarbahaarey (AGGM): Maamulka Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee gobolka Gedo ayaa ku baaqay in loo gargaaro dadka masaakiinta ah ee ku nool guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku dhaqan gobolka Gedo ee aan awoodin wax ay ku afuraan.

Isagoo warbaahinta la hadlayay, afhayeenka maamulka Ahlu-sunna ee gobolada koonfureed Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq Al-qaaddi ayaa ka codsaday dhammaan dadka uu Alle wax siiyay in ay taakuleeyaan dadka danyarta ah ee ku nool degmooyinka gobolka Gedo.

Wuxuu sheegay in ay jiraan boqollaal qoys oo barakacayaal ah, kuna nool degmooyinka gobolka Gedo kuwaas oo jecel in ay gutaan waajibka bisha Ramadaan, balse aanan haysan wax ay afur iyo suxuur toonna ku sameystaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com