Khasaaraha Ka Dhashay Qarixii Ka Dhacay Inta U Dhexeysa KM4 Iyo Airport-ka (Sawiro)

0

DSC01406Muqdisho(AGGM) Goob jooge ku sugan Meesha qaraxu ka dhacay ayaa warbaahinta Allgalgaduud u xaqiijiyey inay qaraxaasi ahaa mid ismidaamin ah oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan Kuwa Amisom ee nawaaxigaasi mareyey,waxaana la sheegaya inaan wax khasaare ahi ciidaamadaasi ka soo gaarin balse dad shacab ahi ku dhiinteen.

Qaraxan oo ahaa mid baabur laga soo buuxiyey ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen 13 ruux oo shacab ah kuwaasi oo laba ka mid ahi ahayeen caruur,waxaana la sheegaya inay dukaamo nawaaxigaasi ka ag dhawaa ay gubanayaan isla markaasna ciidamada dawladda iyo kuwa Amisom goobta soo gaareen.

Dadka ayaa la kala burinaya waxaana ciidamada Amisom iyo kuwa dawlada federaalka ahi ka wadaan halkaasi baaritaano ay ku ogaanayaan cidda qaraxaasi soo abaabushay iyadoo lagu eedenayno inay qaraxaasi fuliyeen falaagada Alshabaab,waxaana la sheegaya in gaariga qaraxa fuliyey iyo qofkii waday halkaasi ku burbureen.

Ugu dambeyntii ciidamada dambi baarista ayaa la shaacinaya inay halkaasi ku sugan yihiin isla markaasna sawiro iyo dheecaan ka qaadayaan qofkii qaraxaasi fuliyey,waxaana la aaminsan yahay in kooxda weerarkaasi fulisay ay tahay Falaagada Alshabaab oo inta badna ku faana inay bisha ramadaan weerarkooda kordhinayaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

IMG_6158IMG_6172IMG_6196IMG_6279IMG_6294IMG_6312IMG_6370IMG_6368IMG_6382IMG_6390IMG_6223IMG_6258IMG_6271IMG_6326