Fashilaad Daawo: Cadaalad Darradda Ka Taagan Puntland & Maxkamadda Sare Oo Puntland Oo Ugu Daran

0

sawirGaroowe(AGGM) Degaanada Puntland waxaa xabsiyadeed muddo dheer ku jira dad badan oo dambiyo badan galay kuwaasi oo qaarkood gacan ku dhiiglayaal yihiin isla markaasna dilay dad masuuliiyiin ka ahaa Maamulka Puntland,waxaana la sheegayaa in Maxkamadda Sare ee Puntland ay hor istaagtey fulinta qisaasta lagu xukumay gacan ku dhiiglayaashaasi,waxaana arrintaasi walaac ka muujinaya dad ehelladooda la dilay isla markaasna wali xabsiyadda ku jiran kuwii dilka geystey muddo dheer oo gaaraya 4 sano.

Filmkan aad hoos ku aragtaan waa nin ka doodaya dil walaalkiis ay u geysteen sanadkii 2009 isla markaasna gacanta lagu soo dhigey kooxdii dilka geysatey oo wali ku xiran xabsi ku yaala Magaalada Bosaaso isla markaasna dil lagu xukumay balse ay maxkamadda Sare ee Puntland hor taagan tahay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com