Culumaa'udiinka Ahlusuna Waljamaaca Oo Ugu Baaqay Shacabka Somaaliyeed Inay Ka Faa'ideystaan Fadliga Bisha Ramadaan.

0

ahlusunnaMuqdisho (AGGM): Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka faa’ideystaan fadliga ay leedahay bisha barakeysan ee Ramadaan oo ah bil cibaado iyo raxmad leh.

Bayaan ka soo baxay Culimada maanta oo jimco ah ayaa lagu sheegay in Umada Soomaaliyed ay Alle u towbad keenaan, isla markaana is cafiyaan.

Culimada ayaa ugu baaqay dadka tujaarta ah ee uu Eebe wax siiyay inay dadka masaakiinta ah u kaalmeeyaan, isla markaana dadka aan wax heysan ay afuriyaan, si ay u helaan faa’ido badan maalinta Qiyaamo.

Sidoo kale Culimada ayaa ugu baaqay hey’adaha sama falka inay gar gaar la soo gaaraan dadka dhibaateysan, isla markaana gar gaar ka ballaaran kii hore ay bishan Ramadaan ay sameeyaan.

Bayaanka Culimada ayaa loogu jeediyay dhalinyarada la qalday ee Al-Shabaab in bishan fadligeeda ay uga faa’ideystaan inay towbad keenaan, kana soo baxaan wadada qaldan ee lagu hogaamiyay.

Culimada ayaa sheegay in bishan aanay aheyn bil la abuuro colaad iyo dagaal, taa bedelkeed la badiyo quraan aqriska, ducaada iyo alle bariga, maadamaa bil raxmad iyo cibaado ay tahay.

Ugu dambeyn Culumaa’udiinka ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyed bilashada bishan barakeysan ee Ramadaan, waxaana ay u rajeeyeen in sanadkan, kiisa kale ay ku gaaraan, bash bash, barwaaqo, nabad iyo xasilooni waarta.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com