Ciidamo Badan Kala Duwan Oo Kismaayo Ku Qulqulaya.

0

ciidamada-dowladdaKismaayo(AGGM) Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose waxaa ku qulqulaya ciidamo kala duwan kuwaasi oo ka kala socda Dawlada Federaalka ah, Ahlusuna Waljameeca & Cutubyo ka tirsan kuwa ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Taliska Amisom ayaa daboolka ka qaaday saacadihii la soo dhaafay ay Magaalada Kismaayo geynayaan cutubyo ciidamo ka socda wadamada Burundi & Uganda,waxaana la sheegaya inay ciidamadasi maalmaha soo socda gaari doonaan Magaalada Kismaayo iyagoo qaarkood dhulka soo mari doona isla markaasna ka soo gudbi doona Gobolladda xaduudka la leh gobollada jubooyinka.

Dhinaca kale Masuul ka tirsan dawlada federaalka ah ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadaasi ay dhawaan bixi doonaan isla markaasna ay garab siin doonaan ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya,waxaana uu sarkaalkan dawlada federaalka ah tirsan oo diiday in magaciisa la shaaciyo sheegey inay ciidamadaasi ka hawlgali doonaan labadda Jubo.

Sarkaalkan waxaa uu shaaciyey in ciidamada dawlada kiiniya laga bedelayo magaalada kismaayo isla markaasna ciidamadaasi la geynayo gobollada kale ee dalka soomaaliya sida Gobollada Dhexe Iyo Muqdisho,waxaana uu ku eedeyey in ciidamada kiiniya dhibaato ku hayaan shacabka magaalada Kismaayo iyagoo garab siinaya kuwa jabhadda Raaskambooni.

Ugu dambeyntii Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubadda hoose ayaa noqotey meel ay ku soo qulqulaan ciidamo kala duwan balse isku mawqif ka ah kooxahaa gacanta ku haya Magaalada Kismaayo oo dhibaato lixaadleh shacabka goboladaasi dega ku haya,waxaana ciidamadasi lagu wada inay dhawaan gaaraaan kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com