Wasaaradda Gashaandhiga: Waa Joogto Mushaharka Ciidamada Qalabka Sidaa Bil Kasta

0

fiqi1Muqdisho(AGGM) Wasiirka Gashaandhiga dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday in wasaaradisu balan qaadayso inay bil kasta si joogto ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed mushaharkooda u siiso isla markaasna ay qabsadaan hawlaha hor yaal ee xoreynta dalka.

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dhawaan la soo gabagabeyn doono xaqiijinta ammaanka waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, isagoo xusay in dowladu bixineyso xuquuqda Ciidamada.

Wasiirka Gaashaandhiga mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sheegay in uu hagaagsanyahay ammaanka waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo kadib markii ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM ay ka sifeeyeen haraadiga Maleeshiyaad ka tirsanaa Shabaab oo mararka qaar si dhuumaaleysi ah u geli jiray wadadaasi.

‘’Waxaa xusid mudan in jidka dheer ee isku xira Caasimada iyo Baydhabo uu yahay mid si nabadgelyo ah ay shacabku ugu safraan meel walbana waxaa jooga ciidamada qalabka sida oo iyagu sugay amniga wadadaasi’’Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga C/xakiin Fiqi.

Dhinaca kale wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada XDS loo dhameystiri doono wax kasta oo baahidooda ah maadaama muddo dheer ay kusoo shaqeynayeen duruufo adag, wuxuuna ku aamaanay sida ay ugu dhabar adeygeen duruufahaasi,  isagoo tilmaamay in hadda wixii ka dambeeyay uu askari kasta helidoono xuquuqdiisa.

Ugu dambeyntii wasiirka Gaashaandhigga ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladu diyaar u tahay bixinta xuquuqda ciidamada,  bishan wixii ka dambeeyana ay ciidamadu si joogta ah u qaadan doonaan mushaaraadkooda. Waxaana hadalka imaanayaa iyadoo ciidamada xoogga dalka ee gobolka Gedo shalay ay qaateen Mushaharkii ka maqnaa dhawr ka bilood hadda diyaar u yihiin hawlgal ciidan oo ay dalka ku xoreynayaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com