Saraakiil Faransiis Ah Oo Ciidamada Dawlada Beledweyne Tababar u Furaya

0

16Muqdisho(AGGM) Saaka garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne waxaa ka soo dagay diyaarad nooca mileteriga ah oo ay leeyihiin ciidamada dawlada faransiiska ee saldhigyada mileteri ku leh gudaha dalka Jabuuti,waxaana la sheegaya in Saraakiishaasi ay u yimaadeen sidii ay dawlada soomaaliya uga caawin lahaayeen dhinaca tababarka ciidamada xooga dalka .

Saraakisha ayaa la sheegayaa inay hadda ku sugan yihiin xeradda ciidamada Amisom ee magaalada Baladweyne halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa dawlada federaalka ah oo lagu wado inay saraakishaasi tababarka u furaan,waxaana la xaqiijinayaa in saraakiishaasi dhinaca amaanka ka tageerayaan dawlada federaalka ah gaar ahaan gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale Gudoomiye kuxigeenka dhinaca ammaanka ee Gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim Cali ayaa sheegay in dhowaan ciidamada dowladda oo kaashanya kuwa AMISOM ay duulaan ku qaadi doonaan deegaanada Shabaabka kaga sugan yihiin Gobolka, si ay uga saaraan.

Ciidamada dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay tababarkaasi wax badan kaga faaiideystaan isla markaasna wax badan kaga qabtaan dhibaatada Alshabaab ka wadaan gobolka Hiiraan degaano badan oo ka tirsan isla markaasna wali ku jira gacanta Alshabaab.

Ugu dambeyntii Tababarkan ayaa lagu wadaa inuu bilaaban doono maalmaha soo socda iyadoo tababarkaasi ay qaadan doonaan ciidamo badan oo kor u dhaafaya kun askari kuwaasi oo dawlada federaalka ahi ugu tallo gashay inay wax ka qabtaan dhibka Alshabaab ka wadan gudaha gobolka hiiraan oo intiisa badan ay gacanta ku hayaan Alshabab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allagalgaduud@gmail.com