Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Iyo Wafdigiisa Oo Ka Qeybgalay Kulan Ay Baarlamaanka Britain Su’aallo Ku Weydiinayeen Ra’isulwasaaraha Ingiriiska “SAWIRRO”

0

DSCN5613Muqdisho(AGGM) Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo wafdi uu hogaaminayo ay booqasho rasmi ah ku joogaan magaalada London ayaa maanta ka qeybgalay kulan ay Baarlamaanka Britain Su’aallo ku weeydiinayeen Ra’isulwasaaraha dalkaasi David Cameroon ayadoo dhanka kalena wafdigu ay la kulmeen Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee boqortooyada Ingiriiska,Guddoomiyaha Inter-Parliamentry Union iyo xubno kale.

Ugu horeyn Wafdiga uu Hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla ayaa lagu marti qaaday iney goobjoog ka noqdaan kulan ay Baarlamaanka Britain su’aallo ku weeydiinayeen Ra’isulwasaaraha Dalka Ingiriiska David Cameroon oo ka dhacay aqalka Baarlamaanka Boqortooyada Ingiriiska.

Kulankaasi kadib waxaa Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka iyo Wafdigiisa ay kulammo gaar gaar ah la qaateen Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee boqortooyada Ingiriiska,Guddoomiyaha Inter-Parliamentry Union iyo xubno kale oo ay dhammaantood ka wada hadleen xiriirka iyo wada shaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Britain ayadoo wada shaqeyntaasina ay bilow u tahay kulamadan hada ka dhacay London waxaana kulammadaasi ay kusoo gebageboobeen is afgarad wanaagsan.

Caawa ayey isla magaalada London Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo wafdigiisa kula kulmi doonaan Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska oo Gudoomiyuhu uu kala hadli doono isbedellada hormarineed ee dalka ka jira.

Dhamaad

DSCN5602DSCN5603DSCN5607DSCN5608DSCN5611DSCN5613