Safiirkii Soomaaliya U Fadhiyey Koonfur Afrika Oo Geeriyooday Maanta

0

Sayid-Shariif-280x250Muqdisho(AGGM) Wararka Ka imaanaya Magaalada Pretoria ee Wadanka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in Safiirka Soomaaliya u fadhiya Wadanka Koonfur Afrika Sayid Shariif uu Saaka ku Geeriyooday Isbitaalka ku yaala Magaalada Pretoria,waxaana la sheegay inuu u geeriiyooday xanuuno maalmaha hayey.

Sayid Shariif ayaa dhawaan dawladda federaalka Soomaaliya u magacday xilka Safiirnimada,waxaana la sheegayaa in Magacaabistiisa ay Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur afrika si aad ah u soo dhaweeyeen,waxaana lagu xasuusataa sida wanaagsan uu ula dhaqmay soomaalida ka ganacsatada dalkaasi.

Alle ha naxariistee Marxuumkan ayaa la sheegayaa inuu maalmihii la soo dhaafay u ildarnaa xanuuno isugu jirey Macaan iyo Dhiig kar,waxaana Masuuliyiin ka mid ah Jaaliyadaha soomaalida ee dalka koonfur afrika maanta shaaciyeen inuu Masuulkaasi geeriyooday isla markaasna uu  u dhintey xanuuno la soo dersay.

Ugu dambeyntii waxaa la sheegayaa inay Magaalooyinka Dalka Koonfur afrika gaar ahaan meelaha soomaalidu ku badan tahay hadda ka socoto qaaban qaabadda Aaska Safiirkaasi oo lagu wado in lagu aaso dalka Koonfur afrika iyadoo wararka qaarkood sheegayaan in loo soo qaadayo dhinaca Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com