Beenin:Beesha Maxamed Amaan Reer (Wagardhac) Oo Beenisay War Been Abuur Ah Oo Lagu Soo Daabacay Qaar Kamid Ah Shabakadaha Soomaalida.*Dhagayso*

0

top newsJaaliyada beesha Maxamed Amaan Reer (Wagardhac) ee ku dhaqan ama ku nool dalalka maraykanka Canada iy qaar ka mid ah yuruba waxay si rasmi ah u beeninayaan una diidayaan hadalka aan salka iyo raadka lahayn ee lagu soo daabacay boga galinsoortimes

Ugu horayn marka laga hadlayo waxyaabahii ka dhacay Jubooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo ee duulaankii arxan darada ahaa ee ciidamada Kenya iyo kooxda ay ku adeegtaan ee Raskanbooni, beesha wagardhaceed waxay ka mid tahay beelaha Sade ee degaanka rasmiga ah ee gobolada jubooyinka iyo Gedo gaar ahaan magaalada Kismayo oo ah meesha ay ka dhacday dhibaatada ugu badan ee xasuuqa, dhaca, boobka iyo waliba dilal.

Dhibaatooyinkaas waxaan la qabnaa beelaha Soomaliyeed ee lagu soo dulay loonana qasday in Kismaayo laga barakiciyo iyadoo aan ognahay in barnaamijkaan ay wadaan dadaan ku abtirsan gobolada Jubooyinka iyo Gedo ayna isku kaashadeen mamulka Faroole kooxda Raskanbooni oo marba shaar gashta iyo ciidamada Kenya oo garabsiinaya rabana inay gumaysi cusub galiyaan konfurta Soomaliya si ay qayraadka wadanka u gurtaan.

Sidaas daradeed anagoo ka mid ah beelaha lagu soo duulay oo dhaca iyo boobka loo gaystay waxaan aad ugu xunahay in koox ku qaraabanaysa magaca beesha Maxamed Amaan Reer (Wagardhac) inay soo saaraan bayaan been ah oo an u qalmin beesha Wagardhac magaceedana meel ugu dhacaya. ilaa la helo mamul loo midaysan yahay oo dadka deegaanka ee somaaliyed si xora u doortaan, beesha Wagardhac ajnabiga iyo kooxaha u adeegaya raAli ugama noqon doonaan mamulida Kismayo kumana tageerayaan, waxa aanu ku fikir nahay dharag iyo gaajana la qabnaa beelweynta Sade iyo dadka Soomaaliyeed ee deegaanka daga.

Talada beesha Wagardhac waxay ka godaa golaha guuritida wagardhaceed ee ma aha in wiilal yaryar oo raba in magacooda lagu arko shashadaha  ay wax iska qorqoraan, beeshu waxay leedahay dhaqan fac weyn iyo siyaasiyiin caan ah ama meesha wax ka dhaceen jooga ama meela kalaba oo laga waraysan karo mawqifka beesha wagardhaceed, wixii hada ka danbeeyana waxaan kula talinaynaa shashadaha wax qora inay iska hubiyaan waxay qorayaan.

Waxaa Bayaankaan Soo Saaray

1-Nabadoon Maxamed Warsame Oomaar
2-Nabadoon Ali Guled Diirshe
3-Nabadoon Ciiro Dhagaweyn
4-Nabadoon Axmed Warsame
5-Nabadoon Axmed Nuur Bilaawe
6-Nabadoon Xaaji Mahad Xaaji Cabdille
7-Injener Xuseen Cali Weecshe
8- Nur Maxamed (Nuur Biid )
9- Cabdi Maxamed Ducaale
10-Cabdimaalik Aden Goomey
11- Axmed Cali Mire
12- C/risaaq Maxamed Dhuxul
13- Col. C/risaaq Cabdi (Bakayle)
14- Abwaan Cabdi Aden Badaye
15- C/qaadir Maxamud Jaamac
16-Mursal Maxamed Calidheere
17- Col. Cabdulahi Cadceed
18- Saadiq Xuseen Buurile
19- Cabdixaashi Dhoof Guled
20-Dr. Maxamed Cabdirixmaan
21- Qaasim Maxamuud Warsame
22- Ciise Cabdi Aden
23- Sanweyne Jaangoan Faarax
24-Cali Maxamed Dhuxul
25- Maxamed Xaaji Xasan
26- Cabdinur Axmed Cilmi

Halkan Hoose Ka Dhagayso Naboon Maxamed Warsame Oomaar.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/07/oomaar_0001.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com