Ciidamo Xoogga Dalka Ah Oo Tababar Maanta Loo Soo Xiray (Sawiro

0

DHAGAR-QABE.Still0011Muqdisho(AGGM) Cutubyo ka tirsan ciidanka XDS oo dhawaan Tababar loogu soo xiray Dugsiga Jasiira ayaa maanta markii ugu horeysay loo qaybiyay mushaaraadkooda, taasi oo si weyn u dhiri gelineysa ciidamada.

Ciidamadan maanta mushaaraadkooda loo qeybiyey ayaa tiradoodu kor u dhaafaysay inkabadan (1,000) kun Askari waxayna soo bandhigeen gaado ka cayaar iyo dhoolo tus milateri kuwaasi oo safaf dhaadheer ku jiray ayagoo koox koox ah.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukumada Soomaaliya C/xakiin Maxamud Xaaji Fiqi oo ay wehliyeen ku-xigeenadiisa ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidamada iyo saraakiishooda, isagoo u gudbiyey hambalyo iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Soomaaliya, Taliyaha ciidanka xoogga Dalka Daahir Aadan Cilmi “Indho Qarshe” oo goobta ka hadlay ayaa sheegey in uu furmi doono tababar gaar ah kadibna ciidanku ay bilaabidoonaan howlgal Milateri oo amniga lagu xoojinayo.

C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi Wasiirka Gaashandhigga oo la hadlayey ciidamada iyo saraakiishooda ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in uu jiro hab ama nidaam cusub oo ccidanka lagu diwaangelinayo si looga gudbo in shaqsi xuquuqdiisa uu waayo iyo in laga hortago askareynta carruurta da’da yar.

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa waxa uu kula dardaarmay ciidankaasi oo ku jira xerada tababarada ee Jasiira in ay u diyaar garoobaan ka hortagidda kooxaha falaagada ah ee Al-shabaab, kuwaasi oo caqabad ku ah horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Mudadii ay ku sugnaayeen xeradaasi mas’uuliyiintan ayaa waxa ay kormeereen xafiisyada Talisyada oo mashquul xoog leh uu ka jiray sababo laxiriira qeybinta mushaaaraadka ciidanka iyagoo kulamo gaar ah la qaatay saraakiisha ciidamada ee xeradaasi tababarka ciidan ku sugan.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa bishii la soo dhaafay ciidamada maanta mushaaraadooda qaadanaya u soo xiray tababar mudo 6-bilood uga socday xerada Jasiira ee duleedka Magaalada Muqdisho.

DHAGAR-QABE.Still003DHAGAR-QABE.Still004DHAGAR-QABE.Still005DHAGAR-QABE.Still007DHAGAR-QABE.Still008DHAGAR-QABE.Still009DHAGAR-QABE.Still0011DHAGAR-QABE.Still0021