Baaq Ka Soo Baxay Jaaliyada Beesha Sade Ee Magaalada London.

0

baaqUjeeddo:- Baaq colaadda Kismaayo
Kaddib markii ay jaaliyaddada reer sade ee uk isugu yimaadeed shir ka dhacay magaalada London taariikhdu markay ahayd 7/7/2013 ayaa waxa aad looga doodaday xaaladda murugsan eek a taagan gobolada jubooyinka.

Wada hadal iyo falanqanqayn siyaabaha wax u dheceen kaddib, waxa laga soo saaray baaqaan oo jaaliyaddu ku mideysantahay oo sidatan u qornaa:

1- Waxaan aad uga xunahay dagaalkii ka dhacay kismaayo kaas oo gaystay khasaare isugu jira dhimasho,dhawaac ,burbur,bililiqaysi iyo barakicin,waxayna u muuqataa inay tahay hawl aad loo sii qorsheeyey.mana ahan  dhaqamada noocaan ahi wax ku cusub ummadda Soomaaliyeed,lamasa filayn inay dhacaan 2013-ka.

2- Waxaan aad uga xunahay in ciidamada Amisom ay ka baxeen heshiiskii ay ku yimaadeen soomaaliya, kana qayb-qaateen dagaalkaas iygoo dhinac la saftay,waxaan cambaaraynaynaa xadgudubka ciidanka Amisom,waana inay mag-dhaw ka bixiyaan khasaaaraha ay gaysteen,isla markaasna ay faraha kala baxaan  arrimaha u dhaxeeya dadka Soomaaliyeed,waxaanna aaminsanahy in colaadda Kismaayo ay Amisom abaabushay.

Ugu danbayntii waxaan kula talinaynaa dadka soomaaliyeed ee ku nool jubbooyin inay ka hortagaan wax-kasta oo kala fogaansho keeni kara,ama ka soo horjeeda dhaqankeena wanaagsan,iyo diinteena Islaamka ah,lagana hortago fidnada cusub oo kuismaayo laga hurinayo,waxaan dhammaan ummadda soomaaliyeed ka codsanayanaa in aad loo soo dhaweeyo bisha barakaysan ee RAMADAAN,allana aynnu ka barinno inuu guud ahaann iyo gaarnba  inoo naxariisto.

Somali Diaspora Association Gal-Jubba
sdag.group@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com