Madaxweynaha Soomaaliya Oo La Kulmay Madaxweynaha Koofurta Suudaan

0

Jubba(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo labadii casho ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Juba ee dalka Koofur Sudan ayaa caawa kulan gaar ah la qaatay dhigiisa Madaxweynaha Koofurta Sudan Mr Salva Kir. Waa markii labaad ee labada Madaxweyne ay ku kulmaan magaalada Juba.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, arrimaha Jaaliyadda Soomaaliya ee ku nool Koofurta Sudan, iyo arrimo kale.

IMG_5917Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Koofurta Sudan sidii quruxda badneyd ee isaga iyo waafdigiisa loo soo dhoweeyey, sidoo kalena u hambalyeeyey dowladdiisa iyo shacabka Koofurta Sudan ee ku aadan dabaaldegga maalinta xornimada dalka Koofurta Sudan.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Madaxweynaha Koofurta Sudan sida sharafta iyo qiimaha leh ee dalkiisa u soo dhoweeyey Soomaalida ku nool dalka Koofurta Sudan, isla markaana uga warbixiyey kulan uu la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa yiri “ Jaaliyadda Soomaaliyeed oo aan la kulmay xalay waxey iiga codsadeen inaan si gaar ah kaaga mahadceliyo sida adiga, dowladdaada iyo shacabka dalkan Koofurta Sudan uu u xormeeyo, una sharfo Jaaliyadda Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka codsaday dhigiisa in Jaaliyadda Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso ganacsatadooda in il gaar ah lagu fiiriyo oo loo fududeeyo sidii ay ganacsigooda u sii horumarin lahaayeen oo dan weyn u ah dalkan Koofurta Sudan. Labada Madaxweyne ayaa arrimihii kale oo ay ka wada hadleen waxaa ka mid ahaa xiriirka labada dal, arrimaha ammaanka labada dal iyo arrimaha urur goboleedka IGAD.

       DHAMAAD –

IMG_5917