Madaxweynaha Soomaaliya Oo Jaaliyadda Soomaalida K/Sudaan Xalay La Kulmay (Sawiro)

0

IMG_5667Jubba(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa xalay Kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koofurta Suudaan, halkaas oo uu madaxweynahu ka jeediyey khudbad uu kula dardaarmay Jaaliyadda.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliyey kulankan Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koofurta Suudan Mudane Cabdiraxmaan Nur Dinaari, Xildhibaano Soomaaliyeed, La-Taliyeyaal iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koofurta Sudan sida ay isagu duuba yihiin oo ay si wadajir ah isaga warqabaan, waxuuna yiri “Mar walba oo aan la kulmo Madaxweynaha Salva Kir ee dalka Koofurta Suudaan waxuu ii sheegaa in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee degen Koofurta Suudaan ay yihiin jaaliyad ku dayasho mudan oo ay wax weyn ku soo kordhiyeen dalka. Ammaantaas waa mid aad u soo hoyseen dhammaan shacabka Soomaaliyeed waadna ku ammaanantihiin, ee dadaalkaas sii wada. Waxaan ogahay inaad dalkan Koofurta Suudaan aad maalgeshi xoogan ku sameyseen, isla markaana aad tihiin Jaaliyad mideysan oo sida quruxda badan ee aad noo soo dhoweyseenna ay ka muuqataa sida aad si wadajir ah uga shaqeysaan sidii sharafka, cisiga iyo karaamada Soomaalida aad kor ugu qaadi laheydeen, waadna ku ammaanantihiin.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Sharafkan iyo karaamadan aad u soo hoyseen shacabka Soomaaliyeed waxaa jiri kara in kooxaha Al-Shabaab ay idin soo dhexgalaan ee fadlan yaan qabiil iyo cabsi lagu difaacin ee hala iska qabto, hana loo gudbiyo hay’adaha Ammaanka dalka Koofurta Suudaan, waayo fikirkooda waa mid lid ku ah horumarka ay shacabka Soomaaliyeed ku tallaabsanayaan. Waxaana Madaxweyne Salva Kiir kala hadli doonaa sidii ganacsigiina loo xoojin lahaa iyo sidii safaaradda loo siin lahaa dhul ay xafiis ka dhigato.”

Madaxweynaha ayaa maanta ka qeybgali doono xafladda sanadguurada 2aad ee maalintii xornimada dalka Koonfurta Sudan oo uu ka mid yahay Madaxweynayaasha caalamka ee ka qeybgalaya xafladda. Madaxweynaha ayaa caawa kulan kale oo gaar ah la qaadan doona Madaxweynaha dalka Koofurta Suudaan.

       DHAMAAD –

IMG_5229IMG_5259IMG_5289IMG_5348IMG_5393IMG_5616IMG_5667