Jabhadda Raaskambooni Oo Dhacay Raashiin Dad Masaakiin Ahaa Loo Qaybin Lahaa

0

Axmed-MadoobeKismaayo(AGGM) Iyadoo maanta ay si habsami leh gudaha magaalada Kismaayo ay uga socotey raashiin qaybin dawlada Cumaan bisha Ramadaan ugu tallo gashay raashinkaasi oo loogu tallo galay in ka badan 1500 oo qoys kuwaasi oo ah masaakiinta Magaalada kismaayo ku dhaqan ayaa la sheegey in Jabhadda Raaskamboni weerar ku qaadeen meeshii raashin qaybintu ka socotey.

Raashiinkan maanta la qaybinayey ayaa ka koobnaa Bariis,Bur, Sonkor & timir dawlada Cumaan ugu tallo gashay inay dadka masaakiint aah ku afuuriyaan isla markaasna u qaybiiyaan,waxaana la sheegay inay ugu tallo galeen halkii qoys Hal Loor oo Bur ah, Mid Bariis Ah,MId Sonkor ah & Tanag Timir ah.

Iyadoo Cuno qaybintaasi si habsimi leh u socotay ayaa la sheegay inay soo galeen maleeshiyaad ka tirsan Jabhadda Raaskambooni isla markaasna watey hal gaari oo nooca dagaalka ah,waxaana la sheegay inay toos u abaareen nimankii wadaadada ahaa ee raashinkaasi qaybinayey.

Markii ay gudaha u galeen hoolkii Raashinka lagu qaybinayey ayaa la sheegay inay ku amreen inaysan nimanka masuuliyiinta ahi wax dhaqdhaqaaq ah sameyn,waxaana la xaqiijiyey in gaari kale oo Nooca Dheynaha soomaalidu u taqaan oo ay wateen ay ku raarteen raashiin badan oo kala duwan iyadoo dadkii Masaakiinta ahaa ay halkaasi ku sugan yihiin isla markaasna sugayeen in raashiinka loo qaybiyo.

Markii intaasi dhacday ayaa la sheegey in xiriir lala sameeyey horjoogayaasha Raaskambooni isla markaasna lagu war geliyey dhibaatada dhacday,waxaana la sheegay inaysan ka bixin wax jawaab ah isla markaasna ay ku tilmaameen kooxda falkaasi geysatey burcad aysana ka tirsaneyn Ciidamada Raaskambooni.

Arrintan ayaa fajac iyo amakaag ku noqotey nimankii loo soo wakiishay raashin qaybintaasi,waxaana ay halkoodii ka sii wateen shaqadoodii ahayd inay dadkaas Masaakiinta ah raashinka u qaybiyaan,waxaana ay la sheegey inay dadkaasi siiyeen intii raashinku u gaareyey.

Ugu dambeyntii talaabooyinka Maleeshiyaadka laga soo aruuriyey Gaarisa Gubaay iyo Kilinka 5-aad ayaaa la sheegaya inay tahay mid laga yaabay isla markaasna muujineysa inaysan ka bi’in gaajadii iyo silici ay uga soo carareen degaanadii laga soo aruuriyey,waxaana arrintaasi aad uga xumaaday shacabka ku dhaqan kismaayo oo la yaaban falalka guracan ee ay ku kacayaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduu

Allgalgaduud@gmail.com