Jaaliyadda Reer Jowhar Ee London Oo Soo Dhaweyn U Sameeysay Gudoomiyaha Guddiga….. (Sawiro)

0

96London(AGGM) Jaalliyadda reer Jowhar ee ku dhaqan magaalada London ee caasimadda Dalka Britian ayaa xalay xaflad soo dhaweyn ah u sameeyey Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqda Aadanaha,arrimaha Bani’aadannimada,haweenka iyo carruurta ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye.

Xafladan soo dhaweynta ah oo aheyd mid casho sharaf ah ayaa waxaa Xildhibaanadda kalasoo qeybgalay Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko waxaana xubno u hadlay Jaalliyadda Jowhar ee London oo xafladan iyagu soo qabanqaabiyey ayaa tilmaameen iney aad ugu faraxsanyihiin iney London Jaalliyadda ku marti geliyaan Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqda Aadanaha,arrimaha Bani’aadannimada,haweenka iyo carruurta ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo Xafladda khudbad ka jeediyey ayaa ku ammaanay Jaalliyadda reer Jowhar isku duubnida ay muujiyeen, munaasabadanna ay ka turjumeyso sida ay Jaalliyadda Jowhar u jecelyihiin Dowladooda waxaana uu dhanka kale Safiirku ka hadlay isbedellada hormarineed ee dalka ka jira oo ay Dowladdu ku talaabsatay.

Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqda Aadanaha,arrimaha Bani’aadannimada,haweenka iyo carruurta ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo Xafladda khudbad ka jeedisay ayaa uga mahad celisay Jaalliyadda reer Jowhar ee London sida ay usoo dhaweeyeen waxaana ay dhanka kale Xildhibaanaddu ka hadashay sida ay xiligan u socdaan howlaha Baarlamaanka oo ay tilmaantay in Baarlamaanku xiligan howlihiisa dhammaan ay yihiin kuwo ku saleysan la tashiga Dadweynaha oo dhammaanba gudiyada Baarlamaanka iyo Gudoonkaba ay si gaar gaar ah qeybaha bulshada ula tashanayaan.

Xafladan soo dhaweynta ah ee ay Jaalliyadda Jowhar ee London u sameeyeen Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqda Aadanaha,arrimaha Bani’aadannimada,haweenka iyo carruurta ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah Wafdi sare oo uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa kusoo gebageboowday jawi farxadeed.

3846588896103216