Baarlamaanka Soomaliya Oo Lagu Wado Inuu Ka Doodo Hindise Sharciyeedka Gudoonka Barlamaanka

0

jeyMuqdisho(AGGM) Kulan mudaniyaasha Baarlamanka Soomaaliya ay maanta ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaaladda Muqdisho ayaa waxaa soo xaadirtay 143 mudane, iyadoo ajandihiisu ahaa ka doodista aqrinta sedaxaad ee hindise sharciyeedka gardoonka dalka.

Fadhiga maanta ee baarlamaanka oo uu shir guddominayay guddoomiye ku-xigenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mudane Jeylaani Nuur Iikar ayaa waxaa ugu horeyn warbixin kooban laga dhageystay guddomiyaha guddiga garsoorka,Owqaafta iyo arrimha diinta ee Baarlamaanka Soomaaliya

Intasi kadib ayaa waxaa loo guda galay argatida xildhibaanada baarlamaanka ee ku aadan sida ay u arkaan hindise sharciyeedkan oo qaarkoodba ku tilmaamay in magaca gardoon uu yahay mid ku cusub golaha shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana uu yahay mid u baahan in la turxaan bixiyo sida uu sheegay xildhibaan Prof Max’ed Cumar Dalxa

Prof Dalxa ayaa yiri “Waxaan jeclaan lahayn in si weyn looga dooda erayga Gardoon oo aan ogaano meesha laga soo minguuriyay oo laga fiiriyo dhanka dhaqanka diinta iyo sida uu u shaqeynayo in aan iska wadaagno”

Ugu dambeyntii shir guddoonka baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar ayaa ugu dambeyn kulanka maanta soo xiray, isagoo sheegay in arinta ku saabsan dooda hindise sharciyeedkan dib la isugu soo laaban doono maalinta berito ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com