Xog: Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Badbaadey Shirqool Kiiniya La Damacsanayd.

0

madaxweyne-xasan2Muqdisho(AGGM) Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta rabay inuu socdaal ku tago wadanka Suudaan ayaa la sheegay in diyaaradii looga soo kiireyey gudaha wadanka Kiiniya ay shil gashay isla markaasna dab ka kacay.

Diyaaradan oo laga soo kireye Garoonka diyaaradaha Wilsan ee Magaalada Nairobi ayaa la sheegey in Sirdoonka Wadanka Kiiniya gaar ahaan laantooda Nairobi ay dhaqaale ku bixiyeen in diyaaradaasi cilad farsamo oo saacado kooban ah la geliyo si loo qaraajiyo Madaweynaha Dawlada Soomaaliya.

Sirdoonka kiiniya oo gacan ka helaya Masuuliyiin ka tirsan dawlada Kiiniya isla markaasna Soomaali sheegta ayaa la sheegay inay dhaqaale lixaad leh ku bixiyeen sidii madaxweynaha Dawlada Soomaaliya loo qaraajin lahaa,waxaana la sheegay inay talaabadaasi ku baxday lacag badan oo ay qaateen Injineerada diyaaradaha ee ku sugan Garoonka Wilson Airport.

Diyaaradan ayaa si nabad ah ku timi  Magaalada Muqdisho isla markaasna waxaa la sheegay in cilaadaasi loogu tallo galay inay soo baxdo Soo laabashadeeda Waxaana loogu xirey Mudo Waqti saacado ah. Diyaarada Markii ay nabad ku soo gaartey Muqdisho ayaa la sheegay inay si nabad ah uga duushay halkaasi.

Muddo 45 Daqiiqo ah ka dib markii diyaaradu ka hawada gashay kuna sii jeeday Magaalada Nairobi ayaa la sheegay in Pilot diyaaradda oo war Moog ahaa ka war haley in diyaaradda Dab ka kacay baal ka mid ah balasheeda,waxaana la sheegay inuu digniin u jeediyey Madaxweynaha una sheegay in diyaaradu cilad ku timi,waxaana ay go,aan ku qaateen inay dib ugu laabtaan Magaalada Muqdisho oo waqti kooban ay ka soo maqnaayeen.

Mu’aamaraddan la rabay in lagu qaraajiyo Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa la sheegay inay soo abaabuuleen qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan dalka kiiniya isla markaasna dawlada kiiniya xilal ka haya iyo Sirdoonka wadanka Kiiniya oo talaabadaasi u qaadeyey muranka xoogan ee ka taagan Gobollada Jubooyinka isla markaasna dawlada federaalka ah ay mawqif cad ka qaadatey.

Ugu dambeyntii arrintan fashilantey ayaa la xaqiijinayaa in Madaxda Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya aad uga walwalsan yihiin maadama mar kasta diyaaradaha looga soo kireeyo Magaalada Nairobi iyagoo hadda wada qorshe ay ugu bedelayaan Wadanka Jabuuti oo isaga la aamini karro.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com