Dhagayso: Wararki Ugu Dambeeyay Maanta Iyo Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Bililiqo Baahsan Kawada Gudaha Magaalada Kismaayo.

0

top newsKismaayo (AGGM): Wararka maanta naga soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in magaalada ay ka socoto bililiqo baahsan oo ay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni u geesanayaan goobaha Ganacsiga iyo guryaha dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaaladaasi.

Goobjooge u waramay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in magaalada ay  qasan tahay islamarkaana maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay dhac baahsan ku hayaan hantida dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale goobjoogahan ayaa waxa uu baaq u diray dowladda Soomaaliya isagoo sheegay in dowladda laba arrimood midkood yeesho, in ay waxan ay ka qabato dadkan iyo magaalada ee faraha ka sii baxaysa ama in ay u fasaxdo dadka deegaanka inay iska qabtaan oo ay la dagaalamaan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Isku wada duuboo dadka deegaanka ayaa dhamaantood waxa ay hoosta ka xariiqeen inaysan sinaba uga hari doonin falalkan foosha xun ee ay geesanayaan maleeshiyo beeleeedka Raaskambooni iyo beesha ay ku abtirsadaanba.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/07/Voice_033.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com