War Deg Deg Ah: Wariye Liibaan Cabdilaahi ( Liiban Qaran ) Oo Hadda Galkacayo Lagu Dilay

0

1014435_10201156420087581_987023830_nGalkacayo(AGGM) Waxaa caawa gudaha Magaalada galkacayo caawa lagu dilay wariye ka tirsana shaqaalaha Radio Galkacayo ee gobolka Mudug. Wariyahan ayaa ahaa wariye si wayn looga wada yaqaano guud ahaan gobolka Mudug iyo degaanada kale oo soomalida,waxaana uu ahaa masuul si wanaagsan shaqadiisa u qabsada.

Dilkan caawa loo geystey Wariye Liibaan Cabdulaahi ( Liibaan Qaran) Ayaa la sheegay inay fuliyeen kooxo hubeysan oo aan haybtooda la aqoon,waxaana la sheegayaa in dilkiisa uu dhacay xilli uu ku sii jeeday xaafadiiisa,waxaana la aaminsan yahay inay dillkiisa fuliiyeen kooxda Alshabaab.

Wariyahan ayaa ahaa nin nabadda jecel inta badan wararkiisu yihiin kuwo dhex dhexaad ah isla markaasna aan la safan koox gaar ah,waxaana dilkiisa caawa aad uga xumaaday shacabka Magaalada Galkacayo ee gobolka Mudug iyadoo dilkiisu saameyn ku yeelan doono warbaahinta gobolka Mudug.

Alla ha naxariistee dilka Wariye Liibaan qaran ayaa noqonaya mid aad looga naxo mana jirto cid ka tirsan Maamulka Puntland oo ka hadlay dilkiisa,waxaana la amisan yahay inay dilkiisu salka ku hayo dilalka Alshbaaab inta badan u geystaan bahda saxafada iyadoo hadda ka hor gudaha magaalada Galkacayo lagu dilay wariyeyaal tiro badan.

Ugu dambeyntii goobta dilku ka dhacay ayaa la sheegaya inay soo gaareen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland,waxaana la sheegayaa inay kooxdii dilka fulisay halkaasi ka baxsadeen mana jiran cid wali ciidamada amaanka Puntland gacanta ku soo dhigeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

1014435_10201156420087581_987023830_n