Maxkamadda Gobolka Banadir Oo Maanta Xukumo Riday (Sawiro)

0

DSC08769Muqdisho(AGGM) Ka dib dhageeysiga dacwad loo haystay ilaa 20 ruux oo ku eedeeysnaa fal danbiyeedyo kala gadisan ayaa maxkamada gobolka banaadir waxa ay maanta riday xukuno kala duwan.

Dadka ay maanta xukuntay maxkamada gobolka banaadir ayaa ku eedeeysnaa danbiyo isugu jira dil,dhac iyo kufsi ayaa maxkamada waxa qaar ka mid ah ay ku riday xukuno ay ka mid ahaayeen xarig iyo ganaax lacageed.

Maxkamadda ayaa sheegtey in eedeysanayaashan la marin doono xukunka lagu riday isla markaasna ay ku fulin doonaan,waxaana maxkamadu sheegtey inay sii wadi doonto xukumadda noocan oo kale ah.

Maxkamada ayaa sii daaysay sedax ka mid ah eedeeysanayaashii marka wax danbi ah lagu waayay,waxana dacwadooda dib loo dhigay ilaa 10 ruux.

Gudoomiyaha maxkamada gobolka banaadir Xaashi Cilmi Nuur ayaa ku dhawaaqay xukunka ay maxkamada ku riday eedeeysanayaasha,waxana uu xukunkaasi ugu jiray xariga u dhaxeeya 20 sano ilaa 3 sano iyo ganaaxyo lacageed.

Ugu damebyntii intii ay dacwada socotay ayaa waxaa maxkamada ku sugnaa qaar ka mid ah ehelada eedeeysanayaasha iyo marqaatiyaal maxkamada la hor keenay.

DSC08751DSC08749DSC08749 DSC08748DSC08755DSC08756DSC08760DSC08772DSC08752DSC08761DSC08769DSC08764DSC087471