16 Qofood Oo Lagu Dilay Gudaha Dalka Kenya Saacado Gudahood.

0

kenya policeUgu yaraan toban qof ayaa ku dhimatay tiro kalana way ku dhawacmeen degaanka Nyanya oo ka tirsan magaalada Kitui ee gobolka waqooiya ee dalka Kenya, kadib markii ay halkaasi weerareen kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garaneynin.

Dadka weerarkan ku dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa seddex caruur ah oo kasoo jeeday hal qoys, kuwaas oo iyagoo gurigooda ku sugan loogu galay kadibna la toogtay.

Dadka tuulada Kitui ayaa iyna weerar aargoosi ah ku qaday heebta ay kasoo jeedaan burcadii degaankooda dilka ka geystay, iyadoon lagusoo waramayo in labo ka mid ah kooxihii weerarka hore ku qaaday Kitui la dilay.

Booliiska tuulada Kitui ayaa dhacdadani u xiray labo qof,iyagoo bilaabay baaritaano ku adaan waxa keenay dilalka, inkastoo dadka degaanka ay ku sheegeen kuwoo laxiriira aargoosi ah.

Dadka weerar geystay ayaa la sheegay in ay ahaayeen dambiilayaal muddo badan xabsi ku jiray balse si lama filaan ah kaga soo baxsaday.

Xiisad xoogaan oo qabiil ku saleysan ayaa ka jirta degaanka Nyanya ee gobolka Waqooyi, iyadoona laga cabsi qabo in weeraro kale oo aar goosi ah ay dhacaan.

Dhanka kale ciidamada ka hortaga dambiyada ee magaalada Nairobi ayaa toogtay seddex qof oo lagu sheegay burcad, kuwaas oo falal dhac ah ka geystay magalada Nairobi .

Sarkaal u hadlay booliiska ayaa sheegay in qaar kale oo ka mid ahaa burcada ay baxsadeen balse ay ku raad joogaan oo ay soo qaban doonaan si dambiyadooda loogu qaado.

Dhacdadan ayaa waxay imaaneysaa saacdo kadib markii booliiska ay toogasho kale ka geysteen nawaaxiga degaanka Kamulu ee isla dalkan Kenya.

Tirada isku darka dhamaan toogashada muddada gaaban ay ku kaceen booliiska Kenya iyo kooxda burcada ah ayaa wadar ahaan waxay noqonaysaa lex iyo toban qof, taas oo sii badineysa dilalka aan laga wada hadlin ee sida isdaba jooga ah ugu dhaca dalka Kenya.

Kenya ayaa waxaa kajira burcad hubesyan oo dhac iyo dil intaba ka geysta goobaha ganacsiga, iyadoona ay aad u yartahay in ciidamada amaanku ay ku guuleystaan ka hortaga Burcada oo Qatar badan ku heysa goobaha ganacsiga ee guud ahaan Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com