Maqaal: Fartaag Isagaa Jawaab Isugu Filan, Naftiisana Mucaaradi Karra

0

gen.-fartaag11Oslo(AGGM) Maalmahan waxaa idaacadaha gudaha dalka soomaaliya ku dhex waashay Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag) oo dhawaan loo Magacaabay  Ku xigeenka hogaanka Jabhadda Raaskambooni,waxaana inta badan fartaag ka dhex muuqdaa idaacadaha gudaha dalka soomaaliya isagoo hadallo iska hor imaanaya ku hadlaya.

Jeneraal Fartaag oo inta badan naftiisa ku maaweliya inuu yahay  Madaxweyne ku xigeen isla markaasna jecel inuu mar kasta ka hadlo saxafada ayaan wali la barin dhaqanka iyo Anshaxa wareysiyada loo bixiyo, tobaadkii la soo dhaafay waxaa uu Fartaag ku dhex milmay idaacadaha gudaha dalka soomaaliya.

Shalay mar uu la hadlayey idaacadda gudaha dalka soomaliya ku hawlgasha waxa uu Jeneraal Fartaag ku hadlay haddalo caado u ah oo iska hor imaanaya kuwaasi oo uu marna ku tageerayo dawldaa federaalka ah marna ku sheegayo inuu ka soo horjeedo,waxaana uu shalay sheegey in dawladu ku kooban tahay Magaalada Muqdisho isla markaasna aysan waxba ka galin Jubooyinka, isla daqiiq intii wareysiga lagu jirey Hadana waxaa uu ku jawaabay dawladu waa dawladayadii oo waanu ka mid nahay gobolada ayadda Maamusha.

Fartaag ayaa noqday mid ay inta badan shacabka Magaalada kismaayo telefoonkiisa gacanta hayaan isla markaasna wacaan iyagoo iska dhigaya inay yihiin Idaacado wareysi ka doonaya balse ah dad ku ciyaaraya isla markaasna hadaladiisa ka maadeysnayaa,waxaana la sheegaya in maalintii shacabku inta badan telefoonkiisa ay ku Mashquulsan yihiin isna si daacad ah ugu waramayo.

Dhinaca kale Jeneraal Fartaag ayaa la sheegaya inuu  dhaqmo markuu idaacadaha u waramayo sidii inuu dhex joogo Magaalada Doolow ee dhinaca soomaliya halkaasi oo ka ahaa Horjoogaha Xamaaliinita  Magaalada Doolow ee kala dejiya  gaadiidka Basasha u qaada Gudaha  Dalka Itoobiya isla markaasna kala dejiya.

Fartaag ayaa la sheegay inuu inta badan u khudbadeyn jirey  Xamaalintaasi isla markaasna u qayb jirey dhaqaalaha ay shaqeysataan,waxaana la aaminsan yahay inuu qaabkii uu halkaasi kula dhaqmi jirey ka bilaabay gudaha Kismaayo isagoo idaacadaha ka hadlaya ayna ka muuqato masuuliyad darro.

Ugu dambeyntii waxaa la yaab la noqota shacabka idaacadaha dhageysta hadaladda Jeneraal Fartaag waxaana ay dadku la yaabaan qaabka uu hadlo isagoo sheeganaya inuu madaxweyne ku xigeen yahay balse shacabku u aqoonsan yihiin ku xigeenka Hogaanka Jabhadda Raaskambooni.

Qallinkii Aadan Axmed Yare

Oslo,Norway

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com