Kismaayo: Daawo La,aan, Xilli Dagaalo Kale Laga Cabsi Qabo

0

isbitaalkiiKismaayo1Kismaayo(AGGM) Isbitaalka guud ee Magaalada Kismaayo ayaa la sheegaya inay ka jirto xaalad adag oo dhinaca daawada ah iyadoo isbitaalkaas ay bishii la soo dhaafay uu marti galinayey dhaawacyo badan oo ka dhashay dagaalo u dhexeyey ciidamada dawlada kiiniya oo kaabaya Jabhadda Raaskambooni iyo Ciidamada dawlada soomaaliyeed.

Shaqaalaha isbitaalka ayaa shaaciyey inaysan jirin cid ka tirsan hay’adaha samafalka oo isbitaalkaasi wax daawo ah soo gaarsiiyey,waxaana la shaacinayaa inay isbitaalka wali jiifaan dad qaba dhaawacyo kala duwan kuwaasi oo la sheegayo inay u baahan yihiin daaweyn.

Isbitaalka waxaa jiifa in ka badan 150 ruux oo u badan shacabka Magaalada kismaayo kuwaasi oo ay madaafiic xoogan ku gaaraceen ciidamada dawldaa kiiniya,waxaana shaqaalaha isbitaalku sheegeen in dadkaasi hadii aan daawo lagu daaweeyo lala soo gaarin ay soo wajahi karto xaalad caafimaad darro oo baahsani.

Dhinaca kale waxa shaqaalahu daaha ka qaadeen inay magaalada ka jirto xiisad colaadeed oo u ka jirta Magaalada kismaayo,waxaana la sheegayaa in dhinacyadii kismaayo ku dagaalamay ay wadaan qorsheeyaal dagaal oo ay ku dagaalamayaan,waxaana shacabku ka cabsi qabaan dagaalo dib uga curta Magaalada kismaayo.

Ugu dambeyntii shacabka ayaa ka cabsi ka qaba dagaalo hor leh isla markaasna khasaare ka soo gaarto,waxaana la sheegayaa in dadka shacabka ahi ay u sii barakacayaan tuulooyiinka hoos yimaada Magaalada kismaayo halkaasi oo ay nabadka raadsanayaan si ay uga badbadaan dagaalada laga cabsi qabo inay kismaayo dib uga qarxaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com