Waxgarad Ka Soo Jeeda Gobollada Jubbooyinka Iyo Gedo Oo Ka Dalbaday Dowladda Kenya In Ay Ciidamadeeda Ka Saarto Soomaaliya.

0

XASUUQA KENYAMuqdisho (AGGM): Baaq ay soo saareen odayaal dhaqameed iyo waxgarad ka soo jeeda gobolada Jubbooyinka ayeey kaga dalbadeen dowladda Kenya in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ciidameeda ugala baxdo Soomaaliya, xili ay isa soo tareyso eedeymaha balaaran ee loo jeedinayo ciidamada  Kenya.

Kulan ka qeyb-galeen siyaasiyiin, waxgarad, odayaal dhaqameed iyo aqoonyahanno ka soo jeeda gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, ayaa si kulul looga cambaareeyay ciidamada dowladda ee Kenya ee  ku sugan magaalada Kismaayo oo sida ay sheegeen u dhaqmay sidii Jabhada shacabka ku soo duushay oo kale.

Kulanka oo ugu danbeytii laga soo saaray qodob ayaa waxaa ka mid ahaa :

1-   Dowlada Kenya waa in ay Ciidamadeeda ay kala baxdo Gudaha Dalka Soomaaliya.

2-   Dowlada Kenya waa in ay mag dhow ay ka bixisaa dhibaatooyinkii ay ka geysatey Goboladaasi.

3-   Kenya waa in aysan ku soo xad gudbin Xuduudaha Soomaaliya, dhulka, Badda iyo Cirka, islamarkaana ay dhowrto derisnimo wanaagga.

Waxgaradka iyo odayaasha shirka ka qeyb-galay ayaa sheegay in tirada dadkii ugu badnaa ee ku dhintay dagaalkii  ka dhacay Kismaayo ku baxeen madaafiicda sida arxan darrada ah ay ugu garaaceen ciidamada Kenya xaafaddaha magaalada Kismaayo.

Mas’uuliyiinta sare ee dowladda kenya wali kama aysan hadli eedeymaha is daba joog ah loo soo jeedinayo ciidamada ka jooga Soomaaliya, inkastoo saraakiisha ciidamada eedeymahan gaashaanka ku dhufteen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com