Kismaayo: Askar Raaskambooni Ka Tirsan Oo Miino Ay Aasayeen Ku Naf Waayey Caawa

0

top-newsKismaayo(AGGM) Caawa waxaa gudaha Magaalada Kismaayo ka dhacay qarax aad u xoogan kaasi oo la sheegey inuu ahaa miinadda dhulka la geliyo,waxaana la sheegayaa in qaraxaasi ay ku dhinteen 4 askari oo ka tirsan Jabhadda Raaskambooni iyadoo uu dhaawac ka soo gaaray 5 kale.

Qaraxan oo ka dhacay Xaafada Farjano ee Magaalada Kismaayo ayaa la sheegayaa inuu la qarxay qaar ka tirsan Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni,waxaana la aaminsan yahay inay qaraxaasi doonayeen inay ku aasaan wado ku taala Xaafada Farjano ee Magaalada Kismaayo.

Qaraxan ayaa la aaminsan yahay inay aasayeen askar ka tirsan Jabhadda Raaskambooni isla markaasna doonayeen inay ku aasaan wado ay inta badan adeegsadaan ciidamada Kiiniya iyo Siraliyoon ee ku sugan Magaalada kismaayo,waxaana la aaminsan yahay inay qaraxaasi waji kaga doonayaan ciidamada Amisom isla markaasna eediisa saarnaa dad kale.

Dadka degan Xaafada Farjano ayaa xaqiijiyey in ciidamadasi qaraxa wateen isla markaasna uu kun jirey Jawaan,waxaana la sheegaya inay damceen inay caawa galiyaan wado ku taala Xaafada Farjano balse markii dambe ayaga ku qaraxday,waxaana isla markiiba meeshaasi ku naf waayey 4 askari oo ka tirsan kooxda Raaskambooni.

Inta badan qaraxyadda ka dhaca Magaalada kismaayo ayaa lagu eedeyaa inay ka dambeyaan kooxda Raaskambooni,waxaana la xaqiijiyey inay eedeynta qaraxyadaasi ay dusha ka saraan kooxaha ka soo horjeeda si ay garab uga helaan ciidamada kiiniya ee ku sugan Magaalada kismayo balse waxaa muuqata inay caawa ku fashilmeen.

Dhinaca kale qaraxu markuu dhacay ayaa la sheegayaa inay ciidamo ka tirsan Raaskambooni halkaasi ay gaareen isla markaasna rasaas ooda kaga qaadeen dadkii shacabka ah ee deganaa halkaasi,waxaana la xaqiijinayaan in rasaasta ay fureen ay ku waxyeeloobeen dad shacab ah oo aan tiradooda la ahayn inta ay leeg tahay.

Ugu dambeyntii tan iyo intii ciidamada kiiniya la wareegeen Magaalada Kismaayo gacan ku haynteeda waxaa magaalada ka jirey falal amni darro kuwaasi oo ay geysanayaan jabhadda Beeleedka Raaskambooni,waxaana la sheegayaa iany hanti badan dhaceen isla markaasna u rareen Magaalooyinka Dhooble iyo Afmadow.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com