Ganacsade Iyo Suldaan Maanta Lagu Qaraajiyey Magaalada Marka

0

toogasho-300x206Muqdisho(AGGM) Xarunta Shabeelaha Hoose ee Magaalada Marka waxaa maanta si bareer ah kooxo hubeysani ugu toogteen laba ruux oo si weyn Magaalada Kismaayo looga yaqaano Magaalada Marka,waxaana la xaqiijinayaa inay kooxaha dilkaasi geysteen ay ka baxsadeen goobtii ay dilka ka geysteen.

Ragga la dilay waxaa ka mid ahaa Suldaan Shiikh Madar isla markaasna ahaa suldaan si weyn looga wada yaqaano magaalada Marka,waxaana la sheegayaa inay laba nin oo bistoolo ku hubeysan dilkiisa fuliyeen xilli uu Salaadii duhur ka soo baxay Suldaanki,ma jirto cid dilkiisa sheegatey.

Sidoo kale waxa isla gudaha Magaalada Marka isna lagu qaraajiyey Shiikh Caan ah oo lagu Magacaabo Shiikh Nuur,waxaana la sheegayaa inay dilkiisa isna fuliyeen kooxo bistooladu ku hubeysana,waxaana la xaqiijinayaa inaysan labada dil ee maanta dhacay aysan isku meel ka dhicin isla markaasna xaafadaha kala duwan ee magaalada marka ay ka dhaceen.

Arrintan ayaa naxdin ku noqotey shacabka Magaalada Marka waxaana la xaqiijinayaa inay dilalkan qorshaysan ee Maanta dhacay ahayeen kuwo qorsheysnaa isla Markaasna ay kooxaha ka dambeyeen kooxda Alshabaab oo iyadu inta badan bar tilmaameed ka dhigata dadka fekerkooda ka soo horjeeda.

Ugu dambeyntii ma jiraan cid dilkaasi sheegatey,balse waxaa la aaminsan yahay inuu dilkaasi ku lug leeyahay dilka qorsheysan ee Falagada Alshabaab inta badan ka fuliyaan gudaha dalka Soomaliya kuwaasi oo bartilmaameed ka dhigta dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com