Ciidamada Amisom Oo Loogu Baaqay Inay Hoowshooda Aqoonsadaan.

0

African-Union-Mission-in-Somalia-AMISOMMuqdisho (AGGM): Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa waxaa loogu baaqay inay aqoonsadaan shaqooyinka ay ka hayaan dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Kismaayo.

Warkaan wuxuu ka dambeeyay kadib markii shalay Magaalada Muqdisho kulan ay kuwada qaateen Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna madaxa ciidanka AMISOM ee Soomaaliya.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho wuxuu usheegay in Mr Anadif uu balan qaaday in ciidanka AMISOM ay gartaan howsha loo igmaday balana uu ku qaaday in ciidanka ay qabanayaan howlaha ay dalka ujoogaan.

Dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaalada Kismaayo ayuu sheegay in Wakiilka uu ku tilmaamay kuwa aan mardambe soo noqon doonin,ciidankana ay ku dadaali doonaan adkeynta ammaanka dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidanka Amisom ee ka howlgala Magaalada Kismaayo,waxa ay ku eedeysay inay si weyn kaga qeyb qaateen dagaalo ka dhacay Magaalada Kismaayo oo udhaxeeyay maleeshiyo beeleed halkaasi wadaga.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com