Danjire Annadif Oo La Kulmay Madaxweynaha Iyo R/wasaaraha.

0

Mahamat-Saleh-AnnadifMuqdisho (AGGM): Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.

Intii uu socday kulanka, waxay mas’uuliyiintu ka wada hadleen arrimo labada dhinac khuseeya, gaar ahaan dagaalladii dhowaan ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska AMISOM ayaa lagu sheegay in ergeyga gaarka ah iyo madaxweyne Xasan ayaa ka wada xaajoodeen sidii wada-jir wax looga qaban lahaa dhibaatada bini’aadannimo ee ka taagan Kismaayo.

Danjire Annadif ayaa mar kale ku celiyay in howlgalka AMISOM uu ka go’an yahay daryeelka shacabka Soomaaliyeed iyo xaqiijinta ammaankooda.

“AMISOM waxay daaweyneysaa dhaawacyada labadii dhinac ee dhowaan ku dagaallamay Kismaayo,” ayuu yiri Annadif.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in AMISOM ay ka go’an tahay ilaalinta waajibaadkeeda, ayna kala sii shaqeyn doonto dowladda Soomaaliya iyo ciidankeeda xasilinta iyo soo celinta nabadda dhammaan afarta waaxood ee AMISOM ay ka howlgasho.

Kulanka ayaa imaanaya dhowr maalmood kaddib markii xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ku eedeysay ciidanka AMISOM ee ku sugan Kismaayo inaaney dhexdhexaad ahayn, iyadoo dalbatay in lagu baddalo kuwa kale.

Dowladda ayaa ku eedeysay ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM inay la safatay dhinac ka mid ah garabyadii dhowaan ku dagaallamay magaalada Kismaayo.

AMISOM iyo dowladda Kenya ayaa labadooduba beeniyay eedeynta loo jeediyay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com