Amisom Oo sheegtay Inay Baaritaano Ku Sameynayaan In Ciidamada Kenya Ay Ka Qeyb Qaateen Dagaalada Kismaayo.*Dhagayso*

0

xaamudMuqdisho (AGGM): Hogaanka Amisom ayaa wuxuu isu taagay inay si deg deg ah uu uga jawaabay baaqii uga yimid Dowladda Soomaaliya, ee ku aadanaa in baaritaano lagu sameeyo in Ciidamada Kenya ay ka qeyb qaateen dagaalada Kismaayo.

Ciidamada Dowladda Kenya ayaa waxay xilliyada qaarkood ay kahor yimaadaan Taliska guud ee Amisom, iyagoo marar badan Garoonka Kismaayo ku xanibay Madax badan oo ka tirsan Dowladda Federalka ee Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom Col. Cali Aadan Xumad, ayaa wuxuu cadeeyay inay jiraan Guddi ay u xil saareyn, in uu baaritaano dhab ah uu ku sameeyo, ka qeyb qaadashada Ciidamada Kenya ee dagaalada Kismaayo.

Afhayeenka Amisom ayaa wuxuu sheegay in wax kasta ay lee yihiin nidaam iyo Sharci, isla-markaana wuxuu sheegay in dhaliil kasta oo ay soo jeediso Dowladda Soomaaliya, ay doonayaan inay wax ka qabtaan, maadaama ay u shaqeynayaan sida uu sheegay Dowladda iyo shacabka Somaliyeed.

Col Cali Aadan Xumad ayaa wuxuu tibaaxay inay mar kasta u taagan yihiin, sidii ay u meel marin lahaayeen go’aanada ay qaadato Dowladda uu Caalamka aqoonsan ee Soomaaliya.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/07/Voice_022.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com